Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Sabtidii xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Robert Flannery, oo ah La-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Bariga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee la-dagaallanka argagixisada, wacyigelinta bulshada, ka hortagga dacaayadaha iyo fikradaha xagjirka ah, iyo isku-dubbaridka farriimaha dowladda ee ku saabsan dadaallada la-dagaallanka argagixisada.
Wasiir Cabdifataax ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay istaraatiijiyad warbaahineed oo mideysan, ololeyaal wacyigelin dadweyne oo wax ku ool ah iyo iskaashi dhow, si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan macluumaad sax ah oo kor u qaadaya fahamkooda iyo ka-qaybgalkooda dadaallada la-dagaallanka argagixisada.
Flannery ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiinta istaraatiijiga ah, si loo xoojiyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada iyo taageerada Mareykanka ee dhinacyada la xiriira.


























