Roobab culus iyo fatahaado ayaa burburiyey 108 guri, waxayna barakiciyeen tobannaan qoys oo ku noolaa laba magaalo oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Daarfuur ee Suudaan, sida ay Arbacadii sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in dabeylo iyo daadad ay Talaadadii ku dhufteen magaalada Kabkabiya, halkaas oo ay ku burburiyeen 62 guri, kuna barakiciyeen 62 qoys.
Waxay intaas ku dartay in qoysaska barakacay ay gabaad ku raadsadeen goobo ku-meel-gaar ah oo bannaan oo ku yaalla magaalada Kabkabiya.
War-saxaafadeed kale oo ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxaheeda goobta jooga ay soo sheegeen in 46 guri ay ku burbureen magaalada Shangal Tobay, taas oo Talaadadii sababtay barakaca 46 qoys oo kale.
Sida ay sheegtay hay’addu, qoysaskaas ayaa iyaguna gabaad ka helay goobo bannaan oo ku yaalla magaalada.
Suudaan ayaa caadi ahaan la kulanta roobab culus inta lagu jiro xilliga roobabka oo socda laga bilaabo Juun ilaa Oktoobar, iyadoo fatahaaduhu sannad kasta saameeyaan qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Fatahaadahan ayaa ku soo beegmaya xilli shacabka Suudaan ay weli la tacaalayaan saameynta dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo billowday bishii Abriil 2023.
Colaaddan ayaa sababtay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka ku dhowaad 15 milyan oo qof oo kale ay ku khasabtay inay barakacaan ama ka qaxaan guryahooda, sida ay sheegayaan qiyaasaha Qaramada Midoobay iyo ilo maxalli ah.




























