Trump oo sheegay inuu hadda wada hadal ku saabsan sugidda amniga Marinka Hormuz la leeyahay 7 dal
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in muuqaal muujinaya 250,000 oo qof oo fagaaro ku taageeraya hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei uu yahay “mid lagu sameeyey garaadka macmalka ah - AI” isla markaana “uuyahay wax aan dhicin.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay inuu hadda wada hadal ku saabsan sugidda amniga Marinka Hormuz la leeyahay toddobo dal.
Isagoo la hadlayay wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One, Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu xalay la hadlay dalal kale si ay uga wada shaqeeyaan ilaalinta marinka, isagoo xusay in Shiinaha, oo ilaa 90% shiidaalka ceyriinka ah ee badda loo mariyo ay ka gudubto marinkan, lagu casuumay inuu iskaashi sameeyo.
“Waxay ka helaan inta badan saliidooda, waxay ka helaan wax badan, qiyaastii 90% marinkan. Markaa waxaan iri ‘Ma jeclaan lahayd inaad ku soo biirto?’ Waan ogaan doonnaa. Waxaa laga yaabaa inay yimaadaan, waxaa laga yaabaa inay iman waayaan,” ayuu yiri.
Isagoo ka hadlayay hoggaamiyaha sare ee cusub ee Iiraan Mojtaba Khamenei, wuxuu ku andacooday in muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaya 250,000 qof oo fagaaro ku taageeraya uu yahay “mid ay soo saartay AI” isla markaana “uusan waligiis dhicin.”
“Gebiyaanba waa mid ay AI samaysay. Waligiis ma dhicin. Warbaahintu way ogayd inuusan dhicin, laakiin waxay u dhiseen sidii ay taageero weyn u haystaan. Ma haystaan taageero,” ayuu yiri.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha saliidda uu hoos u dhici doono isla marka dagaalku dhammaado, isagoo xusay in uu dhammaan doono “si degdeg ah.”
Si gaar ah, wuxuu sheegay in Mareykanku uu dhowaan heshiis la gaari karo Cuba ama uu qaadi karo tallaabo kale.
“Cuba waa dal fashilmay,” ayuu yiri. “Cuba sidoo kale waxay rabtaa inay heshiis gaarto, waxaanan u maleynayaa inaan dhowaan ama heshiis gaari doonno ama aan sameyn doonno waxa aan u baahanahay inaan sameyno.”
Marinka Hormuz, oo ah marin badeed aad muhiim u ah oo u dhexeeya Iiraan oo waqooyi ka xigta iyo Jasiiradda Musandam ee Cumaan oo koonfur ka xigta, waa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka ee saliidda iyo gaaska.
Iiraan ayaa si wax ku ool ah u xirtay marinkan tan iyo horraantii Maarso kadib markii Israa’iil iyo Mareykanku ay 28-kii Febraayo weerarro wadajir ah ku qaadeen dalka, kuwaas oo ilaa hadda dilay qiyaastii 1,300 qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyihii sare ee markaas ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Carqaladaha ku yimid maraakiibta maraya marinkan ayaa kor u qaaday qiimaha saliidda iyo bacriminta ee caalamka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan sahayda tamarta iyo qiimaha cuntada.
Trump ayaa Sabtidii sheegay in dalalka saliidda ka qaata marinkan istiraatiijiga ah ay qaadaan mas’uuliyadda sugidda amniga marinka muhiimka ah ee badda, isla markaana Mareykanku uu gacan ka geysan doono. Hore ayuu u sheegay in ciidamada badda ee Mareykanka ay dhowaan bilaabi karaan inay galbiyaan maraakiibta qaada saliidda ee maraya marinkan.