Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa ka qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta (IEF) oo lagu qabtay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Madasha ayaa fursad u siisay ka-qaybgalayaasha inay xoojiyaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, is-weydaarsadaan khibradaha, kana wada hadlaan mustaqbalka suuqyada tamarta ee caalamka.
Soomaaliya ayaa weli mudnaan siinaysa horumarinta kheyraadkeeda shidaalka iyo gaaska, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiyada istaraatiijiga ah ee taageeraya kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda tamarta ee dalka.
Ka-qaybgalka Wasiirka ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay saaxiibada iyo hay’adaha caalamiga ah, laguna horumarinayo fursadaha maalgashiga iyo iskaashiga ee faa’iidada u leh dalka iyo shacabkiisa.


























