Golaha Wasiirrada oo ansixiyay dib-u-eegista Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo heshiisyo muhiim ah

Goluhu wuxuu meel mariyay Wax-ka-beddelka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay kadib wadatashi dheer oo lala yeeshay culimada, ururrada bulshada rayidka, iyo khubaro sharci.

By
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay dib-u-eegista Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo heshiisyo muhiim ah / OPM Somalia

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyagoo ansixiyay sharciyo iyo heshiisyo caalami ah oo muhiim u ah hormarinta nidaamka sharciga iyo deegaanka ee dalka.

Goluhu wuxuu meel mariyay Wax-ka-beddelka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kaas oo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay kadib wadatashi dheer oo lala yeeshay culimada, ururrada bulshada rayidka, iyo khubaro sharci. Ujeeddadu waxay ahayd in xeerka cusub uu la jaanqaado shareecada Islaamka, Dastuurka Qaranka iyo xeerarka xuquuqul-insaanka ee caalamiga ah. Dib-u-casriyeyntan waxay astaan u tahay tallaabo weyn oo lagu xoojinayo ku-dhaqanka sharciga iyo hagaajinta nidaamka cadaaladda dalka.

Si loo wajaho caqabadaha degdegga ah ee ka dhasha isbeddelka cimilada iyo waxyeellada deegaanka, Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay Sharciga lagu dhisayo Hay’ad Qaran oo Maareynta Deegaanka. Hay’addan cusub oo ah tii ugu horreysay abid ee Soomaaliya yeelato ayaa maamuli doonta ilaalinta deegaanka, la dagaallanka jarista dhirta, iyo u diyaar garowga saameynta isbeddelka cimiladu ku hayso dalka.

Dhanka iskaashiga caalamiga ah iyo amniga badda, Golaha Wasiirrada wuxuu ansixiyay saddex heshiis oo muhiim ah:

  1. Is-afgarad (MoU) lala galay Algeria – kaas oo diiradda saaraya wada-shaqaynta shidaalka, gaaska iyo macdanta.
  2. Heshiiska Caalamiga ah ee Raadinta iyo Badbaadinta Badda (SAR Convention 1979) – oo xoojinaya awoodda Soomaaliya ay uga jawaabto xaaladaha degdegga ah ee badda.
  1. Protokoollada Dheeraadka ah ee Heshiisyada Geneva ee 12 Agoosto 1949 – kuwaas oo xoojinaya ka go’naanshaha Soomaaliya ee xeerarka bini’aadantinimo caalamiga ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray amar ku saabsan xasilinta gudaha, isagoo wasiirrada ku wargeliyay inay si firfircoon uga qaybqaataan dadaallada xalinta colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka. Wuxuu si gaar ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu xil-saaray hoggaaminta hawlaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta bulshada.