Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Koonfur Suudaan ayaa ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi diiradda lagu saaray ballaarinta isku-xirka, dhismaha kaabeyaasha iyo adeegyada dijitaalka ah ee dadweynaha, xoojinta amniga internetka, horumarinta ganacsiga dijitaalka ah ee xuduudaha isaga gudba iyo xoojinta isku-duwidda gobolka.
Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa hirgelinaya mashaariic uu Bangiga Adduunku maalgeliyo oo hoos yimaada Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka ah ee Gobolka Bariga Afrika, halka Kenya ay ka qaybgalayso mashruuceeda dhaqaalaha dijitaalka ah.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray baahida loo qabo nidaamyo dalalka ka dhexeeya oo suurtageliya isku-xir xuduudaha isaga gudba, adeegyo dijitaal ah oo wada shaqeeya iyo nidaamyo la isku hallayn karo.
Soomaaliya ayaa dhinaceeda horumar ka sameysay arrimahan, iyadoo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay saxiixday sharciga amniga internetka isla markaana dhistay xarun ka jawaabta dhacdooyinka amniga internetka.
Jaamacadda Muqdisho ayaa sidoo kale billowday shahaadada koowaad ee jaamacadeed ee amniga internetka iyo sirdoonka macmalka ah, halka Bangiga Dhexe uu nidaamyadiisa lacag-bixinta iyo kormeerka la waafajinayo heerarka Bulshada Bariga Afrika.
Ka qaybgalayaasha Nairobi ayaa sidoo kale dib u eegaya dadaalladii hore ee iswaafajinta, aqoon-wadaagga iyo heshiisyada taageeraya isku-xirka xuduudaha.
Natiijooyinka kulanka ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan Bariga Afrika oo si weyn isugu xiran, halkaas oo muwaadiniinta, ganacsatada iyo dawladuhu heli karaan adeegyo dijitaal ah oo ammaan ah, uga qaybqaadan karaan suuqyada gobolka kana faa’iideysan karaan fursadaha dhaqaalaha dijitaalka ah.




























