| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Iiraan oo Mojtaba, wiilka Khamenei, u magacowday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Trump uu sheegay in haddii hoggaamiyaha cusub aanu Washington oggolaansho ka helin, uusan “sii jiri doonin muddo dheer.”
Iiraan oo Mojtaba, wiilka Khamenei, u magacowday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya
Mojtaba ayaa taageero xooggan ku leh Ilaalada Kacaanka iyo xafiiskii aabihii geeriyooday oo weli saameyn leh. (Sawir hore) / AP
3 saacadood ka hor

Golaha Khubarada ee Iiraan ayaa Mojtaba Khamenei u magacaabay inuu beddelo aabbihii, Cali Khamenei, isagoo noqday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka, sida a sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.

Mojtaba, oo ah wadaad heer dhexe ah kana tirsan dadka xiriirka dhow la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa muddo dheer qayb ka mid ah hay’adaha talada haya ee Iiraan u arkayeen inuu noqon karo qofka beddeli kara aabbihii, kaas oo la dilay kadib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerarro ku qaadeen Iiraan.

Inkasta oo fikradda talada la iska dhaxlo aanay la jaanqaadi karin mabda’a fikirka siyaasadeed ee talada haya ee Iiraan, haddana Mojtaba ayaa taageero xooggan ku dhex leh IRGC iyo xafiiska aabbihii dhintay oo weli saameyn leh.

Mojtaba Khamenei, oo 56 jir ah, “ayaa loo magacaabay loona soo bandhigay inuu noqdo hoggaamiyaha saddexaad ee nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo lagu salaynayo codka go’aanka leh ee wakiillada sharafta leh ee Golaha Khubarada,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda culimada Iiraan.

Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in hay’adda culimadu “hal daqiiqo oo keliya aanay ka waaban” doorashada hoggaamiye cusub, inkasta oo ay jireen “gardarrada arxan darrada ah ee Maraykanka dembiilaha ah iyo nidaamka sharka leh ee Sahyuuniyadda.”

Is-hortaagga Mareykanka

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu hore u sheegay in Mojtaba uu yahay “miisaan yar” isla markaana uu isagu doonayo inuu door ku yeesho cidda xukumi doonta Iiraan.

“Haddii aanu naga helin oggolaansho, ma sii jiri doono muddo dheer,” ayuu u sheegay ABC News ka hor inta aan lagu dhawaaqin magacaabista.

Madaxa Amniga Iiraan Cali Larijani ayaa sheegay in Mojtaba uu hoggaamin karo dalka xaaladaha xasaasiga ah ee hadda jira, wuxuuna ku baaqay midnimo lagu garab istaago hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya.

Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay addeecaan hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya.

XIGASHO:TRT World and Agencies