Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa furay kulan heer sare ah oo lagu qabtay Xarunta Bandhigga Soomaaliya ee Shirweynaha COP31, kaas oo diiradda lagu saaray u diyaargarowga xaaladda El Niño ee 2026–2027 iyo tallaabooyinka lagu yareynayo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha.
Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinta hore, qaadista tallaabooyin ka hortag ah ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin, maalgelinta diyaar-garowga musiibooyinka, horumarinta kaabeyaasha u adkeysan kara isbeddelka cimilada iyo ilaalinta ilaha nololeed ee bulshooyinka ku dhaqan hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Guddoomiye Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin waqtigooda ku habboon oo wax ku ool ah, si loo ilaaliyo nolosha dadka iyo ilaha ay ku tiirsan yihiin. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo dhex mara hay’adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay khubarada iyo ka qeybgalayaasha doorkii ay ka qaateen kulanka, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Hay’adda SoDMA uga go’an tahay xoojinta u diyaargarowga musiibooyinka iyo dhismaha bulshooyin u adkeysan kara khataraha la xiriira isbeddelka cimilada.























