Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Khamiistii magaalada xeebeedka El-Alamein ee dalka Masar kula kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabil Fahmy, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.
Ilahaasi faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin kulanka.
Fidan ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Sarreeye Gaas Hassan Mahmoud Rashad, oo ah madaxa hay'adda ugu weyn ee sirdoonka Masar, Adeegga Sirdoonka Guud.
Fidan ayaa Khamiistii bilaabay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogo Masar. Inta uu booqashada ku jiro, Fidan waxaa lagu wadaa inuu qaabilo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, isla markaana uu la kulmo mas'uuliyiin sare oo Masaari ah, sida ay sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Sida ay sheegeen ilahaasi, Waxa uu kala hadli doonaa xiriirka labada dal, dib u eegi doonaa halka ay marayaan heshiisyada wada-xaajoodkoodu socdo, waxa uuna dhiirrigelin doonaa maalgashiga labada dhinac si waafaqsan hadafka ay wadaagaan ee ah in mugga ganacsiga labada dal la gaarsiiyo 15 bilyan oo dollar. Waxa ay intaas ku dareen sidoo kale in uu kala hadli doono iskaashiga dhinacyada shidaalka iyo gaaska, isku xirka shabakadaha korontada, kaabeyaasha tamarta iyo macdanta
Fidan wuxuu qiimeyn doonaa tallaabooyinka la qaadi karo si loo horumariyo iskaashiga hadda jira ee dhinacyada militariga iyo warshadaha difaaca, wuxuuna adkeyn doonaa muhiimadda ay leedahay in arrimaha gobolka lagu wajaho wada-hadal iyo diblomaasiyad ku saleysan in dalalka gobolku hormuud ka noqdaan xallinta arrimahooda iyo mas'uuliyad wadaag, sida ay sheegeen ilahaasi.
Wuxuu sidoo kale adkeyn doonaa go'aanka Turkiga ee ah inuu sii wado dadaallada wadajirka ah ee labada dal iyo kuwa loo marayo madalaha dhinacyada badan sida hindisaha R4, kaas oo isu keena wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya.
Booqashada waxaa sidoo kale qayb ka noqon doona kulanka labaad ee Kooxda Qorsheynta Wadajirka ah ee Turkiga iyo Masar, kaas oo ay si wadajir ah u guddoomin doonaan Fidan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty, sida ay sheegeen ilahaasi.
Kulanka ayaa dib loogu eegi doonaa natiijooyinkii kulankii labaad ee Golaha Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Heerka Sare, kaas oo bishii Febraayo lagu qabtay Qaahira, waxaana sidoo kale loogu diyaargaroobi doonaa kulanka saddexaad oo la qorsheeyay in Turkiga lagu qabto sannadka 2028.
Marinka Hormuz, Gaza, Suuriya, Liibiya iyo Bariga Mediterranean-ka oo ajandaha ku jira
Fidan wuxuu muujin doonaa taageerada dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran iyo in dib loo furo Marinka Hormuz, sida ay sheegeen ilahaasi.
Wuxuu sidoo kale adkeyn doonaa muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada ka socda Gaza, si buuxda loo dhaqan-geliyo xabbad-joojinta, isla markaana la xaqiijiyo in gargaarka bani'aadannimo uu si aan kala go' lahayn u gaaro dadka u baahan.
Wasiirka ayaa la filayaa inuu is dhaafsado aragtiyo ku saabsan hirgelinta wejiga labaad ee Qorshaha Nabadda Gaza iyo weerarrada Israa'iil ee Falastiin, Lubnaan iyo Suuriya, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Fidan wuxuu adkeyn doonaa baahida loo qabo in la sii wado dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasillooni iyo amni waara oo ka jira Liibiya, iyadoo lagu saleynayo midnimada dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee dalkaas.
Wuxuu sidoo kale xaqiijin doonaa taageerada Turkiga ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan, sida ay sheegeen ilahaasi.
Fidan wuxuu soo bandhigi doonaa qiimeyn ku saabsan doorka iyo kaalinta ay Turkiga iyo Masar ka geysan karaan sidii nabad iyo xasillooni waarta looga hirgelin lahaa Bariga Mediterranean-ka.






















