| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
al-Burhaan oo booqasho ku jooga Riyaad si uu ula kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Isniintii gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.
al-Burhaan oo booqasho ku jooga Riyaad si uu ula kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga
Hoggaamiyaha Suudaan al-Burhan ayaa Dhaxal-sugaha Sacuudiga kula kulmay Riyaad 15-kii Diseembar 2025. / User Upload
16 Diseembar 2025

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Isniintii gaaray caasimadda Riyaad, Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), oo uu hoggaamiyo Burhan, ay dagaal kula jiraan maleeshiyada RSF, kaasoo socda in ka badan labo sano.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudi Carabiya, SPA, ayaa soo werisay imaanshaha al-Burhan, iyada oo aan faahfaahin ka bixin ajendaha wadahadallada uu la yeelanayo boqortooyada. Si kastaba ha ahaatee, al-Burhan ayaa la kulmay Amiir Maxamed bin Salmaan si ay uga wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka uu dagaalku halakeeyey.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah bahda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee lagu magacaabo 'Quad', oo ay sidoo kale xubno ka yihiin dalalka Maraykanka, Masar iyo Imaaraatka Carabta, iyagoo bishii Sebtembar soo jeediyey qorshe dalka Suudaan looga hirgelinayo xabbad-joojin bani'aadannimo oo ku muddeysan saddex bilood. Arrintan ayaa loo arkaa tallaabada koowaad ee lagu gaari karo xabbad-joojin joogto ah iyo marxalad kala-guur ah oo sagaal bilood ah oo lagu gaaro dowlad madani ah oo madax-bannaan.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, ayaa tan iyo markaas sababay dhimashada kumanaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin
Kumanaan qof oo Soomaaliya ka mudaaharaaday si ay u cambaareeyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
DRC oo hakisay shaqada afhayeenka ciidanka kadib hadallo takoor ah oo ka dhan ah bulshada Tutsi-ga
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagi doona Turkiga