| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
QM oo ka baxday Kadugli kadib weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday ciidanka nabad-ilaalinta
Bayaan ay soo saartay UNISFA ayaa lagu sheegay in go’aanka lagula baxay ciidanka nabad-ilaalinta uu yimid kadib “qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay xaaladda amni ee ka jirta Kadugli, taas oo curyaamisay awoodda QM ay kaga shaqeyn karto aaggaas"
QM oo ka baxday Kadugli kadib weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday ciidanka nabad-ilaalinta
Hawlgalka Qaramada Midoobay oo ka baxay Kadugli ee Sudan kadib weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday ciidanka nabad-ilaalinta. / AP / AP
19 Diseembar 2025

Ciidanka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Abyei (UNISFA) ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay ka baxeen saldhiggoodii saadka ee magaalada Kadugli, gobolka Koonfurta Kordofan ee Suudaan, kadib weerar dhimasho sababay oo lagu beegsaday shaqaalahooda.

Lix askari oo u dhashay Bangaladhesh oo ka tirsanaa ciidanka nabad-ilaalinta ayaa 13-kii Disembar lagu dilay, siddeed kalena waa lagu dhaawacay, kadib weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen maleeshiyada RSF, kaas oo lagu qaaday xarunta UNISFA ee Kadugli.

Bayaan ay soo saartay UNISFA ayaa lagu sheegay in go’aanka lagula baxay ciidanka nabad-ilaalinta uu yimid kadib “qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay xaaladda amni ee ka jirta Kadugli, taas oo curyaamisay awoodda Qaramada Midoobay ay kaga shaqeyn karto aaggaas.”

Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadkiisa mandaatiga ee aagga, isagoo xusay inuu si dhow ula socdo xaaladaha ka socda dhulka.

“Waxaan dib u eegi doonnaa suurtagalnimada inaan dib u billowno howlgalladeenna Kadugli marka xaaladdu oggolaato,” ayaa lagu yiri bayaanka.

UNISFA ayaa la geeyay aagga sanadkii 2011, kadib markii ay kaceen xiisado ka taagnaa dhulka saliidda hodanka ku ah ee u dhexeeya Sudan iyo dalka deriska ah ee Koonfur Sudan.

Kadugli ayaa tan iyo bilihii hore ee dagaalka ku jirtay go’doomin ay saareen RSF iyo dhaqdhaqaaqa ay xulafada yihiin ee Sudan People’s Liberation Movement–North (SPLM-N), iyadoo si joogto ah loogu qaadayay weerarro madaafiic iyo diyaarado aan duuliye lahayn, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

XIGASHO:AA