Booliska qaranka Zimbabwe ayaa qoraal uu Axaddii ku daabacay barta X ku sheegay in tirada dadka ku dhintay shilkii doonida ee 11-kii Agoosto ka dhacay harada Kariba ay gaartay 80 qof, kaddib markii la helay meydadka siddeed qof oo kale.
Doonta ayaa Talaadadii ku qalibantay mowjado xooggan, waxaana boolisku sheegay in tan iyo xilligaas la soo saaray tobannaan meyd ah, taasoo tirada dhimashada gaarsiisay 80 qof.
Doonta ayaa ka soo safartay magaalada Kariba, iyadoo ku sii jeedday deegaannada miyiga iyo bulshooyinka kalluumeysiga ee waqooyi-galbeed dalka. Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin tirada dadka doonta saarnaa ama inta weli la la’yahay.
Qiyaasaha ayaa sheegaya in tirada rakaabku gaareysay ilaa 153 qof, halka mas’uuliyiintu sheegeen in awoodda doontu tahay 90 qof. Hay’adda maareynta musiibooyinka Zimbabwe ayaa sheegtay in 77 qof la soo badbaadiyay.
Tirada carruurta doonta saarnayd oo aan la ogeyn
Mas’uuliyiinta ayaa markii hore sheegay in aan la ogeyn tirada carruurta doonta saarnayd, sababtoo ah carruurta aan gaarin da’da tigidhka laga qaado laguma darin qiyaasta rakaabka. Liis ay boolisku markii dambe soo saareen ayaa muujiyay in 16 ka mid ah carruurta ku dhimatay shilka ay da’doodu ahayd 10 sano ama ka yar, iyadoo kan ugu yaraa uu jiray hal sano.
Kariba waa harada macmalka ah ee ugu weyn dunida marka loo eego mugga biyaha, waxaana la sameeyay markii biyo-xireen laga dhisay webiga Zambezi dabayaaqadii 1950-meeyadii iyo horraantii 1960-meeyadii. Haradu waxay dhererkeedu ka badan yahay 200 kiiloomitir, halka meelaha qaar ballaceedu gaarayo ilaa 40 kiiloomitir.


























