| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo Ku Eedeysay RSF Xabisidda 20 Dhakhtar Magaalada Al-Fashir
Sida ay sheegeen hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah, RSF ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Al-Fashir 26-diii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo tallaabadaas ay la socdeen eedeymo la xiriira xasuuqyo loo geystay shacabka rayidka ah.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan oo Ku Eedeysay RSF Xabisidda 20 Dhakhtar Magaalada Al-Fashir
Medical group accuses RSF of holding 20 doctors in Sudan’s El Fasher

Shabakadda Dhaqaatiirta Suudaan ayaa Talaadadii ku eedeysay Ciidamada RSF inay xabsi ku hayaan 20 dhakhtar magaalada Al-Fashir, oo ah caasimadda Gobolka Waqooyiga Daarfuur.

Bayaan ay soo saartay Sudan Doctors Network ayaa lagu sheegay in warbixin ay diyaariyeen xubnaheeda ka hawlgala Waqooyiga Daarfuur ay muujisay in shaqaalaha caafimaadka ee gobolka ay la kulmeen weerarro baahsan intii u dhexeysay 15-kii Abriil 2023 ilaa 26-dii Oktoobar 2025, markaas oo RSF ay la wareegtay magaalada.

Shabakaddu waxay sheegtay in muddadaas la dilay 25 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

“Waxaa magaalada Al-Fashir lagu xiray ku dhowaad 20 dhakhtar, oo ay ku jiraan afar haween ah, mana jiro wax war ah oo laga hayo halka ay ku sugan yihiin tan iyo markii RSF ay la wareegtay magaalada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ururka ayaa sheegay in waayidda tiradan shaqaalaha caafimaadka ah ay “dharbaaxo weyn ku tahay waaxda caafimaadka ee Waqooyiga Daarfuur.”

Waxay ugu baaqeen RSF inay shaaciso halka ay ku sugan yihiin dhakhaatiirta la xiray ee ku sugan Al-Fashir, isla markaana ay u oggolaato shaqaalaha caafimaadka inay gutaan waajibaadkooda iyagoo ka badqaba “bartilmaameedyo iyo xadgudubyo.”

Sida ay sheegeen hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah, RSF ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Al-Fashir 26-diii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo tallaabadaas ay la socdeen eedeymo la xiriira xasuuqyo loo geystay shacabka rayidka ah iyo digniino muujinaya inay sii qoto dheereyn karto kala qaybsanaanta juqraafiyeed ee Suudaan.

Suudaan waxaa tan iyo Abriil 2023 ragaadiyay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kaas oo ka dhashay muran ku saabsanaa qorshaha loogu dhex darayay ciidamada RSF militariga dalka. Colaaddaasi waxay sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, isla markaana ku barakaceen ku dhowaad 13 milyan oo qof.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Warfaafinta JFS oo Beijing Kaga Qaybgalaya Madasha Warbaahinta Shiinaha iyo Afrika
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee Guddiga Joogtada ah
Wasiir Fidan oo dhiggiisa Masar iyo Sacuudiga kala hadlay qorshaha nabadda Qaza
870 Muwaadiniin Suudaaniyiin ah oo si iskood ah dib ugu laabtay dalkooda: Masar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoomay Toddobo Safiir oo Cusub
Dhimashada Maroodiyada Kenya: Ma Cudur Dahsoon ayaa Dilaya?
200,000 oo Qof oo Kale oo Ku Barakacay Suudaan Xilli Colaadda ay Sii Xoogeysanayso: QM
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Maamulka Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee Shiinaha
Muqdisho oo laga xusay 15-guuradii kasoo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee MW Erdogan
Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo La Kulmay Ururrada Shaqaalaha Xilli Hirgelinta Heshiisku Bilowday
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha La Doortay ee Zambia
Soomaaliya oo Nuqullada Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ka Guddoontay Afar Safiir oo Cusub
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka ee Jiidda Hore ee Gobolka Hiiraan
Somali Airlines oo La Filayo inay Duulimaadyada Dib u Bilowdo Bisha Sebtembar
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Gaadiidka iyo Duulista Rayidka
Israa’iil oo maxaabiis Falastiiniyiin ah ku suntay tirooyin, taasoo lagu xusuustay xeryihii Nazi-ga
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika
Suudaan iyo Sacuudiga oo heshiis ku kala saxiixday dhismaha Gole Isku-duwid
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo booqasho shaqo ku tagay Tansaaniya