Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay munaasabad lagu abaalmarinayey saxaafadda Liibiya
Munaasabaddan ayaa loo qabtay in lagu maamuuso adkaysiga iyo doorka warbaahinta intii lagu jiray marxaladda dib u dhiska Liibiya ee dagaallada kadib.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Khamiistii magaalada Tripoli kaga qeybgalay munaasabad lagu abaalmarinayey saxaafadda Liibiya, taasoo lagu casuumay wasiirrada warfaafinta ee dalalka Jaamacadda Carabta.
Munaasabaddan ayaa loo qabtay in lagu maamuuso adkaysiga iyo doorka warbaahinta intii lagu jiray marxaladda dib u dhiska Liibiya ee dagaallada kadib.
Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen Wasiirrada Warfaafinta dalalka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale, ayaa lagu abaalmariyey saxafiyiin iyo hay’ado warbaahineed oo door wax ku ool ah ka qaatay hagidda dalka intii ay jirtay xasillooni-darradu, hormuudna ka ahaa dib u soo kabashada.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Wasiir Daa’uud Aweys ayaa muujiyay garab istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee shacabka Liibiya. Wuxuu soo dhaweeyay isbaddalka muuqda ee xasilloonida iyo horumarka ka jira dalka Liibiya, isagoo ammaanay kaalinta warbaahinta ee dhiirrigelinta wada-hadalka qaran iyo isku-duubnida bulshada.
“Soomaaliya waxay la wadaagaysaa Liibiya farxadda horumarka ay gaartay,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waxaan u rajaynaynaa dowladda iyo shacabka Liibiya guul joogto ah iyo xasillooni waarta inta ay wadaan dib u dhiska dalkooda.”
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay xiriirka diblomaasiyadeed ee qotada dheer ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Tripoli, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyo kala duwan.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in booqashooyinkii diblomaasiyadeed ee heerka sare ahaa ay caddeyn u yihiin go’aankaas, gaar ahaan booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Liibiya bishii Febraayo 2025. Booqashadaas ayaa gogol xaar u noqotay bog cusub oo iskaashi ah, kaas oo kulankan ka socda Tripoli uu sii xoojinayo.