Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka dhawaajiyay in si tartiib tartiib ah loo dhimayo kaalmada dhanka ammaanka iyo militariga ee Mareykanka siiyo, iyadoo ay jiraan khilaafaad u dhaxeeya maamulka madaxweyne Donald Trump, sida ay sheegayaan warbaahinta Israa’iil.
"Waxaan u maleynayaa inaan u baahan doono inaan inaan ka go’no kaalmooyinka milateri ee Maraykanka," ayuu Netanyahu u sheegay guddiga arrimaha dibadda iyo difaaca ee ka tirsan Baarlamaanka Israa’iil, Knesset, goor dambe oo Axad ah, sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee Israa'iil Maaiv.
Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay $4 bilyan oo gargaar ah ka hesho Mareykanka sannad walba si ay hub ugu soo iibsato, balse Tel Aviv ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo inay ka tanaasusho kaalmooyinkaas, sida ay hore uga baxday kaalmooyinka dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu, ma uusan faahfaahin sababaha ka dambeeya hadalkan lama filaanka ah, kaas oo ku soo beegmaya xilli xidhiidhka Netanyahu iyo Trump uu aad u liitay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Trump uu xidhiidhkii tooska ahaa u jaray Netanyahu, isaga oo aaminsan in hoggaamiyaha Israa’iil uu marin habaabiyey.
Hadalka Netanyahu ayaa imaanaya ka dib markii Mareykanka iyo Xamaas ay yeesheen wadahadal toos ah ee ku saabsan sii deynta Edan Alexander, oo ah la haystayaashii Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu haystay Qaza.
Farriin uu soo diray, ayuu Trump ku sheegay in Xamaas ay ogolaatay inay sii deyso Alexander "si daacad ah oo ku wajahan Mareykanka". Waxa uu sidoo kale ka hadlay soo afjarida "dagaalka naxariis darrada ah" ee Qaza.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa'iil, khilaafaadka u dhexeeya Trump-Netanyahu iyo xiriirka sii xumaanaya ayaa ah la xariira arrimaha Iran, kooxda Xuutiyiinta Yemen, dagaalka Israa'iil ee Gaza, iyo joojinta wadahadallada xabbad-joojinta ee Xamaas.
Trump ayaa lagu wadaa in uu bilaabo safarkiisa rasmiga ah ee Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka, isagoo aan joogsanin magaalada Tel Aviv.
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimineysa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo Maraykan ah oo dhowaanahan 'ka yaabiyey' saraakiisha Israel.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah go'aanka Washington ee ah in sii wado heshiiska kooxda Xuutiyiinta ee Yemen iyo ka tanaasulida muuqata ee dadaalladii lagu doonayay in la xoojiyo xiriirka caadiyeeynta Sacuudiga iyo Israa’iil.
Sida laga soo xigtay wargeyska maalinlaha ah, ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ay muddo dheer ahayd "sir furan" in caadiyeeynta Sacuudiga iyo Israa’iil ay hakad gashay
Hadda, Maraykanku wuxuu u muuqdaa inuu diyaar u yahay inuu horay ugu sii socdo wadashaqeynta Riyadh iyada oo aan shardi laga dhigin in Sacuudigu marka hore xiriirka la caadiyeeyo Israa’iil.
Wargeysku waxa uu tilmaamay in aamusnaanta rasmiga ah ee Israa’iil ee ku saabsan isbeddeladan ay ka tarjumayso khilaafka sii kordhaya oo u dhexeya Tel Aviv iyo Washington, iyada oo xidhiidhkooda istaraatiijiyadeed uu muujinayo calaamado cidhiidhi ah.
Xabbad-joojintii US-Houthi
Talaadadii, Cumaan ayaa ku dhawaaqday in ay si guul ah u dhexdhexaadisay heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Trump ayaa xaqiijiyay heshiiskan, isagoo sheegay in heshiisku joojin doono weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta Mareykanka ee ku sugan badda cas iyo marinka Bab al-Mandab, si loo soo afjaro duqeymaha cirka ah ee Mareykanka uu ka wado Yemen.
Si kastaba ha ahaatee, Xuutiyiintu waxay caddeeyeen in heshiiska aysan ku jirin Israa'iil, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah bartilmaameedyada Israa'iil ee isbaheysiga la ah Gaza.






















