Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay sharciga lagu meel mariyay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaddib markii uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, saxiixa madaxweynaha ayaa u suurtagelinaya Soomaaliya inay dhigto qoraalka rasmiga ah ee ansixinta (instrument of ratification) ee heshiiska xarunta Midowga Afrika. Tallaabadan ayaa dhammaystiraysa habraaca sharci ee looga baahan yahay in Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqoto heshiiska.
AfCFTA oo uu hirgeliyay Midowga Afrika ayaa ujeeddadiisu tahay in la fududeeyo ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika, lana abuuro suuq mideysan oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.4 bilyan oo qof. Heshiiskan ayaa loo aqoonsan yahay aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn dunida marka la eego tirada waddamada xubnaha ka ah.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in ku biirista AfCFTA ay u sahli doonto ganacsatada Soomaaliyeed inay galaan suuqyada Afrika, iyadoo la raacayo xeerarka heshiiska. Dowladda ayaa sidoo kale rajaynaysa in xubinnimadu ay kor u qaaddo dhoofinta, soo jiidashada maalgashiga, horumarinta warshadaha, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya.
“Ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxay Soomaaliya u furaysaa albaabbada suuqa xorta ah ee ugu weyn dunida, waxayna u diyaarinaysaa ganacsiga gaarka loo leeyahay inuu ku tartamo suuqyada Afrika,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu heshiiska u aragto fursad lagu xoojinayo warshadaynta, kobcinta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo sheegay in wasaaraddu ay si dhow ula shaqayn doonto ganacsatada si looga faa’iidaysto fursadaha ka dhasha heshiiska.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyinka xiga ay ka mid yihiin waafajinta nidaamka canshuuraha iyo xeerarka ganacsiga ee waajibaadka heshiiska, diyaarinta habraacyada lagama maarmaanka u ah ganacsiga, iyo wacyigelin loo sameeyo ganacsatada, dhoofiyeyaasha, iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.
Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay wadday dib-u-habayn dhaqaale oo ay ka mid yihiin dhammeystirka hannaanka deyn-cafinta, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaalaha gobolka, iyadoo dowladda ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi iyo ballaarinta ganacsiga caalamiga ah.



























