| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeeray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee jiidda hore ee Baydhabo, isagoo u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo amniga guud.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo / SONNA

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kormeer ku tagay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jiidda hore.

Taliyaha iyo saraakiishii la socotay ayaa qiimeeyay xaaladda guud ee amniga iyo nolosha magaalada, iyo sidoo kale xaaladda ciidamada iyo fariisimahooda.

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale) ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka warbixin ka siiyay xaaladda amniga, hawlgalladii iyo dagaalladii ciidan ee ugu dambeeyay, iyo guulaha laga gaaray kooxaha cadowga.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen, wuxuuna ku bogaadiyay feejignaantooda joogtada ah ee dhaqdhaqaaqyada cadowga iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka ay ku dhaarteen inay u adeegaan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah