| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA iyo Switzerland oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo iyo u-diyaargarowga musiibooyinka
SoDMA iyo Hay’adda Horumarinta Switzerland (SDC) ayaa ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, abaarta, khatarta El Niño iyo xoojinta nidaamyada digniinta hore iyo u diyaar-garowga musiibooyinka.
SoDMA iyo Switzerland oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo iyo u-diyaargarowga musiibooyinka
SoDMA iyo Hay’adda Horumarinta Switzerland oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo iyo u-diyaargarowga musiibooyinka / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland (SDC), oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan xarunta dhexe ee hay’adda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya iyo khataraha musiibooyinka, iyadoo si gaar ah looga hadlay abaaraha socda, u-diyaargarowga saameynta ka dhalan karta El Niño, nidaamyada digniinta hore, tallaabooyinka ka-hortagga saameynta musiibooyinka, iyo xoojinta isku-duwidda u dhexeysa Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo.

Wafdiga SDC ayaa mar kale xaqiijiyay in Switzerland ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadantinimo iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay hay’adaha qaranka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo nidaamyada qaran ee maareynta musiibooyinka iyo in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda. Tani waxay Soomaaliya ka caawin kartaa inay ka gudubto habka inta badan ku salaysan wax-ka-qabashada musiibada kadib marka ay dhacdo, una gudubto hannaan ku salaysan qiimeynta khataraha, u-diyaargarowga hore, tallaabooyinka degdegga ah iyo adkaysiga muddada-dheer.

XIGASHO:SONNA