| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Danjiraha cusub ee Hindiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Soomaaliya
Danjire Swaika ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Muqdisho waxa uu kulamo doceedyo xiriir ah la yeeshay wasiirro dhowr ah oo ka tirsan XFS si loo ballaariyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Danjiraha cusub ee Hindiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Soomaaliya
Danjiraha cusub ee Hindiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Soomaaliya / User Upload

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay, isla markaana nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga diblomaasiyadeed ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika.

Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay in iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal loo rogo mashaariic wax-ku-ool ah oo faa’iido u leh shacabka labada waddan.

Kaddib gudbinta waraaqihiisa aqoonsiga, Danjire Swaika ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Muqdisho waxa uu kulamo doceedyo xiriir ah la yeeshay wasiirro dhowr ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si loo ballaariyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.

Safiirka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulankooda ayaa ahaa xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada maamul-wanaagga iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga iyo kor u qaadista wax-soo-saarka, iyagoo sidoo kale falanqeeyay hababka lagu sii ballaarin karo isu-socodka ganacsiga ee dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa isna qaabilay Danjire Dr. Adarsh Swaika, iyagoo isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulamadan isdaba-joogga ah ee uu Danjiraha cusub ee Hindiya oo fadhigiisu yahay Nairobi la qaatay xubnaha Golaha Wasiirrada, ayaa muujinaya dadaallada xooggan ee ay Soomaaliya iyo Hindiya ku doonayaan in ay ku dardargeliyaan xiriirkooda laba-geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

XIGASHO:SONNA