Trump oo sheegay in Mareykanku uu bilaabay howlgal ballaaran oo uu ka fulinayo gudaha Iiraan

Trump ayaa ku dhawaaqay weerarro uu Mareykanku ku qaaday Iiraan si loo burburiyo gantaalladeeda iyo ciidankeeda badda, isagoo ka digay khasaare iman kara isla markaana ugu baaqay ciidamada Iiraan inay is dhiibaan.

By
MW Trump ka dib markii uu diyaaradda Air Force One ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Corpus Christi, Texas, 27-ka Febraayo, 2026. / Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu bilaabay “howlgallo dagaal oo ballaaran” oo uu ka fulinayo gudaha Iiraan, isagoo ka digay in uu jiri karo khasaare dhinaca Mareykanka ah.

Weerarradan, oo Trump sheegay in lagu burburinayo gantaallada Iiraan laguna baabi’inayo ciidankeeda badda, ayaa imanaya kadib digniino soo noqnoqday oo Mareykanka iyo Israa’iil ay jeediyeen kuwaasoo ku saabsanaa inay mar kale weerari doonaan Iiraan haddii ay sii waddo barnaamijyadeeda nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer.

“Hadalkan si fudud uma oranayo. Nidaamka Iiraan wuxuu doonayaa inuu wax gumaado,” ayuu Trump ku yiri muuqaal uu ku faafiyey bartiisa Truth Social.

“Qaar ka mid ah geesiyaasha Mareykanku waa ay ku naf waayi karaan, waxaana dhici kara khasaare, taasoo inta badan ka dhacda dagaallada, balse waxaan tan u sameyneynaa mustaqbalka, waana howl sharaf leh.”

Trump ayaa ugu baaqay xubnaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo ciidamada qalabka sida ee Iiraan inay hubka dhigaan, isagoo ballanqaaday in la siin doono xasaanad, haddii kale la dili doono, sida uu sheegay Trump.

Washington iyo Tehran ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay yeeshay wada-hadallo taxane ah oo ku saabsan hammiga nukliyeerka ee Iiraan, iyadoo kulankii ugu dambeeyay uu dhacay Khamiistii, balse aan lagu gaarin wax heshiis ah.

“Iiraan way diiday, sidii ay sameyneysay tobannaan sano. Waxay diideen fursad kasta oo ay kaga tanaasuli lahaayeen hammigooda nukliyeerka, mana usii dulqaadan karno arrintan,” ayuu yiri Trump.