Shirkii G20 oo soo gabagaboobay iyo Koonfur Afrika oo madaxtinimada madasha ku wareejisay Mareykanka
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay muddadii ay haysay madaxtinimada G20 ay diiradda saartay mudnaanta Afrika iyo Koonfurta Caalamka, oo qeyb ka aheyd aheyd ajandaha shirka.
Shirka G20 ee Johannesburg ayaa soo gabagaboobay, iyadoo Koonfur Afrika ay madaxtinimada meertada ah ku wareejisay Maraykanka, oo aan ka qaybgelin kulanka.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Axaddii si rasmi ah u soo xiray shirkan G20, isagoo sheegay in madaxtinimada uu ku wareejiyey Mareykanka, halkaas oo la iskugu imaan doono sannadka dambe.
Wuxuu sheegay in Koonfur Afrika ay intii ay haysay guddoomiyenimada G20, u adeegsatay in ay mudnaan siiso danaha Afrika iyo Koonfurta Caalamka, iyadoo dhisaysa diiradda horumarineed ee ay horey uga lahaayeen muddadii ay guddoonka hayyeen Indonesia, India iyo Brazil.
Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay sharaf u tahay martigelinta G20, taasoo markii ugu horreysay lagu qabtay Afrika, wuxuuna munaasabadda ku tilmaamay mid muhiim u ah dadka Koonfur Afrika iyo dhammaan Afrikaanka.
"Annagoo garanayna muhiimadda shirkan, waxaan ku dadaalnay in koritaanka iyo danaha horumarineed ee Afrika lagu dhex daro wadatashiga G20," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in "fursadda ugu weyn ee barwaaqada qarniga 21-aad ay ku jirto Afrika."
Madaxweynaha Koonfur Afrika wuxuu sheegay in ka faa’iideysiga fursaddan ay ku xirnaan doonto iskaashi xooggan oo u dhexeeya Afrika iyo G20, iyo sidoo kale caalamka guud ahaan, isagoo carrabka ku dhuftay isku xirnaanta dalalka.
Wuxuu intaas ku daray in go’aanka shirku uu ka baxsan yahay hadal keliya, islamarkaana uu ballanqaadayo tallaabooyin muuqda oo ay ka faa’iidaan dadweynaha adduunka, taasoo muujinaysa qiimaha goobtan ee fududeynta ficil wadajir ah oo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah.
Hoggaamiyeyaashii ayaa Sabtidii ku ballanqaaday bayaanka in ay ka shaqeyn doonaan nabad cadaalad ah oo waarta oo ka dhalata Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyo Ukraine, iyagoo cambaareeyay argagixisada "dhamaan qaababkeeda iyo muuqaalladeeda kala duwan."
Maalintii Sabtida waxaa shirka ka maqnaa wakiilka Mareykanka, inkastoo dalkiisu uu yahay kan xiga ee la filayo inuu qabto guddoomiyenimada G20, taasoo caadi ahaan loo sameeyo xaflad xil wareejin ah.
Horraantii todobaadkan, Ramaphosa wuxuu sheegay in ay suurogal tahay in Mareykanku "bedelo go’aankiisa" islamarkaana wadaxaajoodyo socdaan, taasoo si dhaqso uu u beeniyey Aqalka Cad.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Ronald Lamola, oo Sabtidii shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in Mareykanku rabay in xil wareejinta lagu sameeyo iyadoo loo marayo safaaraddiisa Koonfur Afrika.
Bilowgii bishan, Trump ayaa ku dhawaaqay inuusan u diri doonin saraakiil Mareykan ah shirka Johannesburg, isaga oo ku eedeeyay Koonfur Afrika "xadgudubyo xuquuqda aadanaha" oo loo geystay dadka Afrika ee cadaanka ah — eedeymahaas oo ay dowladda Koonfur Afrika marar badan ku tilmaamtay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Xiriirka u dhexeeya Washington iyo Pretoria ayaa hoos u dhacay ilaa heerkii ugu hooseeyay sababo la xiriira khilaafaad ku saabsan siyaasadaha dibadda iyo gudaha labadaba.