| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo ka qayb galaysa Shirka Wasiirrada Caddaaladda ee Dalalka Carabta
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Algiers  si ay uga qayb galaan shirka Wasiirrada Caddaaladda ee dalalka Carabta.
Soomaaliya oo ka qayb galaysa Shirka Wasiirrada Caddaaladda ee Dalalka Carabta
Soomaaliya oo ka qayb galaysa Shirka Wasiirrada Caddaaladda ee Dalalka Carabta / SONNA

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa magaalada Aljeers uga qayb galaya shirka Wasiirrada Caddaaladda ee dalalka Carabta, kaas oo lagu wado in uu ka furmo caasimadda dalka Aljeeriya.

Markii ay gaareen magaalada Algiers, wafdiga Soomaaliyeed waxaa soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), Agaasimaha Guud ee Xabsiyada Aljeeriya, Zerb Saciid, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Aljeeriya.

XIGASHO:SONNA