Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo weerarrada ka dhanka ah Iiraan muddo laba toddobaad ah.
“Waxaan oggolaaday inaan joojiyo duqeymaha iyo weerarrada Iiraan muddo laba toddobaad ah,” ayuu Trump Talaadadii ku sheegay bartiisa Truth Social. “Tani waxay noqon doontaa XABBAD-JOOJIN laba dhinac ah!”
Wuxuu sheegay in heshiiskan uu ku saleysan yahay wada hadallo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Taliya Ciidanka Asim Munir.
Trump ayaa intaas ku daray in xabbad-joojintu ay ku xirnaan doonto oggolaanshaha Iiraan ee “furitaan buuxa, degdeg ah, oo ammaan ah” ee marin-biyoodka Hormuz.
Wuxuu sheegay in sababta go’aankan ay tahay in Maraykanku “horey u gaaray oo xaqiijiyey dhammaan ujeeddooyinkii militari.”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in “horumar fiican laga gaaray heshiis qeexan oo ku saabsan nabad waarta oo lala yeesho Iiraan, iyo nabad ka hirgasha Bariga Dhexe.”
Jawaabta Iiraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi ayaa sheegay in Iiraan ay joojin doonto tallaabooyinka difaaca haddii weerarrada ka dhanka ah dalkeeda la joojiyo.
“Haddii weerarrada ka dhanka ah Iiraan la joojiyo, Ciidamadeenna Qalabka Sida ee awoodda leh waxay joojin doonaan hawlgalladooda difaac,” ayuu Araghchi ku yiri bartiisa X.
“Muddo laba toddobaad ah, marin ammaan ah oo loo maro marin-biyoodka Hormuz waa la suurtagelin karaa iyadoo la kaashanayo Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan iyo iyadoo la tixgelinayo xaddidaadaha farsamo.”
Araghchi ayaa uga mahadceliyay Pakistan iyo Ra’iisul Wasaare Sharif iyo Munir dadaalladooda lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa warbaahinta dowladda Iiraan, wadaxaajoodyo u dhexeeya labada dal ayaa Jimcaha, 10-ka Abriil, ka bilaaban doona Islamabad.
Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay laba sarkaal oo ka tirsan Aqalka Cad oo sheegay in Israa’iil ay sidoo kale ka go’an tahay xabbad-joojinta labada toddobaad ah.
Soo jeedin 10 qodob ah
Ku dhawaaqistiisa, Trump ayaa sheegay in Washington ay heshay soo jeedin 10 qodob ka kooban oo ka timid Iiraan, isla markaana “ay u aragto aasaas lagu shaqeyn karo oo lagu wadaxaajoodo.”
Ku dhowaad dhammaan qodobadii “khilaafka hore ee Maraykanka iyo Iiraan” ayaa laga heshiiyay, ayuu sheegay Trump.
“Laakiin muddo laba toddobaad ah ayaan u oggolaan doonta in heshiiska la dhammaystiro lana xaqiijiyo.”
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib markii Pakistan ay soo jeedisay qorshe daqiiqaddii ugu dambeysay ah si looga hortago weerarro waaweyn oo Maraykanku ku qaadi lahaa Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay in “ilbaxnimo dhan ay caawa dhiman doonto” haddii aan heshiis la gaarin.
















