Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyagoo gacan ka helaya deeq-bixiyeyaal caalami ah, ayaa Isniintii si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay wajiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka (WPP II).
Mashruucan oo socon doona muddo laba sano ah, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka nabad-dhisidda, hoggaaminta, iyo go’aan-qaadashada siyaasadeed ee dalka.
Daah-furka barnaamijkan oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaraddaas, Khadiija Maxamed Almakhzoumi, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway, wakiillo ka socday hay’adaha UNDP iyo UN Women, iyo xubno matalayay bulshada rayidka ah.
Barnaamijkan oo taageero maaliyadeed ka helaya dalalka Kanada iyo Norway iyadoo loo soo marinayo Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya (SJF), ayaa diiradda saaraya sidii loo taageeri lahaa dhaqangelinta sharciyo iyo siyaasado dammaanad qaadaya xuquuqda haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadiija Maxamed Almakhzoumi, oo madasha ka hadashay ayaa faahfaahisay muhiimadda xilligan uu leeyahay mashruucan, iyadoo xustay in uu udub-dhexaad u yahay xaqiijinta horumarinta arrimaha haweenka.
Wasiir Khadiija ayaa hoosta ka xarriiqday in barnaamijku uu gacan ka geysan doono taageeridda nidaamyo nabadeed oo ka dhigaya ka-qaybgalka haweenka mid muuqda oo wax-ku-ool ah, taas oo ay ku tilmaantay waddada keliya ee lagu gaari karo nabad waarta iyo bulsho si dhab ah isugu wada dhan.
Xogta mashruuca ayaa muujinaysa in uu si toos ah u beegsan doono in ka badan 6,000 oo qof, kuwaas oo 60% ay yihiin haween iyo gabdho, halka 40% kalena ay yihiin rag iyo wiilal.
Mashruucan ayaa mudnaan gaar ah siinaya dhibbanayaasha ka badbaaday xadgudubyada, haweenka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay, iyo barakacayaasha, waxaana saamayntiisa guud lagu qiyaasay in ay gaari doonto ilaa 42,000 oo qof.
Fulinta wajigan labaad ee mashruuca oo laga hirgelin doono guud ahaan dalka, ayaa ku salaysan casharradii laga bartay wajigii koowaad, iyadoo la xoojinayo isku-xirka laamaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, laamaha amniga, iyo hoggaanka dhaqanka si loo helo bulsho dhowrta xuquuqda aadanaha.
























