| Somali
CAALAMKA
5 daqiiqo akhris
Muqdisho oo u istaagtay badbaadinta Shilin Soomaaliga xilli ay ganacsatadu diideen adeegsigiisa
Lacagta Shilin Soomaaliga, oo ahayd lacagta rasmiga ah ee dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sannadkii 1991-kii, ayaa muddo dheer wajahaysay xasilooni-darro iyo qiimo-dhac isdaba-joog ah.
Muqdisho oo u istaagtay badbaadinta Shilin Soomaaliga xilli ay ganacsatadu diideen adeegsigiisa
[Sawir hore] Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) / Social Media
maalin ka hor

Maamulka caasimadda Soomaaliya ayaa tallaabooyin adag u qaaday sidii loo dhaqangelin lahaa adeegsiga lacagta Shilin Soomaaliga, iyadoo uu jiro culeys dhaqaale iyo diidmo baahsan oo lagala hortagay lacagta qaranka.

Qiimaha Shilinka ayaa si aad ah hoos ugu dhacay, iyadoo haatan 1-ka Doollarka Maraykanka ah lagu sarrifo in ka badan 31,000 oo Shilin Soomaali ah, sida ku cad sicirka sarrifka ee suuqyada.

Faragelintan uu sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir, oo ay caasimaddu hoos timaado, ayaa timid kaddib maalmo uu jahawareer dhaqaale ka taagnaa Muqdisho. Isku-tiirsanaanta sii kordhaysa ee Doollarka Maraykanka iyo aaladaha lacag-bixinta mobayllada ayaa sii faquuqay Shilin Soomaaliga, haba ahaato suuqyada rasmiga ah ama kuwa aan rasmiga ahayn.

Xaaladdan ayaa sii xoojisay walaaca laga qabo sicir-bararka, awoodda wax iibsiga oo hoos u dhacday, iyo go’doominta sii kordhaysa ee qoysaska danta yarta ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay lacagta caddaanka ah.

Lacagta Shilin Soomaaliga, oo ahayd lacagta rasmiga ah ee dalka tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sannadkii 1991-kii, ayaa muddo dheer wajahaysay xasilooni-darro iyo qiimo-dhac isdaba-joog ah.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada iyo khubarada dhaqaalaha ayaa aaminsan in hoos-u-dhacan ugu dambeeyay uu ka turjumayo isbeddel qaab-dhismeed oo qoto dheer oo dalku ugu weecday adeegsiga Doollarka (Dollarization), balse uusan ahayn uun isbeddel suuq oo ku-meel-gaar ah.

Si arrintan wax looga qabto, Maamulka Banaadir ayaa wadatashiyo degdeg ah ku qabtay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, isagoo isugu yeeray mas’uuliyiinta sarsare ee Rugta, hoggaanka Rugta Banaadir, iyo wakiillada suuqyada waaweyn ee Muqdisho.

Ka-qaybgalayaasha waxaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ururrada waaxyaha ganacsiga muhiimka ah, sida ganacsatada jumladleyda iyo tafaariiqleyda, sarifleyaasha, khudaarleyda, hilibleyda, iyo iskaashatooyinka gaadiidka dadweynaha.

Doodaha ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale iyo midda bulsho ee ka dhalatay diidmada Shilin Soomaaliga, iyo saameynta ay arrintaas ku leedahay xasilloonida maaliyadeed ee qaranka.

Kulankan ayaa hoosta ka xarriiqay kaalinta summadeed iyo midda dastuuri ee uu Shilin Soomaaligu ku leeyahay qaranimada, iyadoo dhinacyadu ay qireen muhiimadda uu u leeyahay madax-bannaanida dhaqaalaha, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira wareegga lacagta iyo kalsoonida lagu qabo.

Kaddib doodihii hordhaca ahaa, wakiillada ganacsatada ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), si ay ugu gudbiyaan cabashooyinka suuqyada ee la xiriira xasillooni-darrada sicirka iyo caqabadaha dhabta ah ee ku gedaaman ka-ganacsiga nidaamka labada lacagood.

Guddoomiye Muungaab ayaa arrintan iska taagay mowqif adag, isagoo caddeeyay in adeegsiga Shilin Soomaaligu uu yahay waajib dastuuri ah, wuxuuna ka digay in la diido isticmaalkiisa macaamilka maxalliga ah. “Waxaan soo saaraynaa amar cad oo ah in dhammaan canshuuraha dowladda hoose lagu bixiyo Shilin Soomaali. Diidmo kasta oo lagu sameeyo lacagta qaranka waxay xad-gudub ku tahay sharciga, tillaabo munaasab ah ayaana laga qaadi doonaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in maamulku uu la shaqayn doono kooxaha ganacsiga si loo xalliyo caqabadaha hortaagan hirgelintiisa, loona taageero tallaabooyinka looga gol leeyahay in lagu xasiloyo hawlaha suuqa, iyadoo dhanka kalena la xoojinayo doorka lacagta qaranka.

Hadallada guddoomiyaha ayaa muujinaya olole cusub oo ay maamullada maxalliga ah ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan gacan-ku-haynta lacagta dalka, gudaha magaalo inta badan macaamilkeeda maalinlaha ah lagu qiimeeyo Doollar, laguna bixiyo adeegyada lacagta dhijitaalka ah ee mobayllada.

Sanadihii u dambeeyay, dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu weecday Doollaraynta, iyadoo ganacsiyadu ay doorbidaan Doollarka Maraykanka maadaama loo arko mid xasilloon. Nidaamyada lacagaha mobayllada oo si ballaaran loogu adeegsado bixinta mushaaraadka, xawaaladaha, iyo iibka tafaariiqda ayaa sii xoojiyay isbeddelkan.

Inkastoo nidaamyadani ay horumariyeen isku-xirnaanta maaliyadeed ee magaalooyinka, haddana waxay sii ballaariyeen kala-fogaanshaha, taas oo si gaar ah u saameysay dadka aan haysan talefannada casriga ah, boorsooyinka dhijitaalka ah, ama aan helin dakhli joogto ah oo Doollar ah.

Awoodda ku dhawaad buuxda ee lacagta qalaad ay ku leedahay qiimeynta badeecadaha ayaa daciifisay doorkii Shilin Soomaaliga, iyadoo xaddidday wareeggiisa, dardargelisayna qiimo-dhaciisa.

Hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo wakiillada suuqyada ayaa soo dhaweeyay wada-xaajoodka dowladda, iyagoo taageero u muujiyay dadaallada lagu xasilinayo lacagta, balse waxay xuseen caqabado dhanka hawlgelinta ah.

Waxay sheegeen in inkastoo Shilin Soomaaligu uu muhiim u yahay madax-bannaanida maaliyadeed iyo u-helidda cunnada ee dadka jilicsan, haddana wareeggiisa oo aan joogto ahayn, kalsooni-darro, iyo isbedbeddelka sicirka sarrifka ay weli yihiin kuwo wiiqaya isticmaalkiisa ganacsiga maalinlaha ah.

Dhinacyada ay khuseyso ayaa ku baaqay in la helo siyaasado isku-dubbaridan oo u dhexeeya dowladda iyo waaxda gaarka loo leeyahay, si wax looga qabto caqabadaha wareegga lacagta, loo xasiloyo hannaanka sicirka, dibna loogu soo celiyo kalsoonida lagu qabo lacagta qaranka.

Amarka maamulka Banaadir ayaa calaamad u ah mid ka mid ah faragelinnadii ugu xoogganaa ee heer maxalli ah sanadihii u dambeeyay, taas oo looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo adeegsiga Shilin Soomaaliga ee dhaqaalaha Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ballaaran ayaa weli ah mid dhanka qaab-dhismeedka ah, maadaama ku-tiirsanaanta Doollarka, cadaadiska sicir-bararka, iyo awoodda lacag-bixinta dhijitaalka ah ay sii wadaan inay dib-u-qaabeeyaan muuqaalka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Dabagal iyo eegis ay TRT Somali ku samaysay warbixinnada warbaahinta Soomaalida ayaa muujinaya in macaamiisha iyo ganacsatada suuqyada waaweyn ee Muqdisho ay toddobaadyadii la soo dhaafay aad uga cabanayeen diidmada sii kordhaysa ee Shilin Soomaaliga.

Xitaa darawallada Mooto Bajaajta ayaa la soo sheegayaa in ay diidayaan in ay macaamil ku sameeyaan lacagta maxalliga ah.

Toddobaadyo ka hor, muuqaal si weyn u faafay oo muujinayay harqaanle tolaya lacag Shilin Soomaali ah oo dillaacday ayaa doodo kala duwan ka abuuray baraha bulshada.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa in badan ku dhawaaqday qorsheyaal lagu beddelayo lacagta qaranka, xilli xukuumadda haatan jirtana ay sheegtay in ku dhawaad $40 milyan oo Doollar weli loo baahan yahay si loo dhammaystiro hannaanka dib-u-habeynta lacagta dalka.

Raadi Warar Kale
Danjiraha cusub ee Hindiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Soomaaliya
Soomaaliya oo dejisay istaraatiijiyad qaran oo cusub oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa (2026–2030)
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku qaabilay ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kormeeray xarumaha hay’adda
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Garaad Gacmeedka (AI) oo ka furmay Muqdisho
Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madax-bannaanideeda
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Wasaaradaha Deegaanka iyo Dhallinyarada oo si wadajir ah u hirgeliyay Ololaha Dhir-beerista Qaranka
Hay’adaha Hanti-dhawrka Soomaaliya iyo Turkiga oo tababar aqoon isweydaarsi ah uga furmay Ankara
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ballaaran ku dilay 27 xubnood oo Al-Shabaab ah
Soomaaliya: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiillada Warshadaha
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF
Soomaaliya oo qabatay kulan ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah
Wasiir Israa’iili ah oo canaantay Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka kadib digniintiisii Daanta Galbeed
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Aliyev: Baku
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabisyo muhiim ah iyo xeerka cafiska guud
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulammo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashi istaraatiiji ah
Wasiirka Beeraha oo bilaabay olole ballaaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Geelle oo mar kale loo doortay muddo xileedkiisii lixaad