Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamed, ayaa Isniintii xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta iskaashiga warbaahinta labada dal.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha warbaahinta, is-weydaarsiga khibradaha iyo tababarrada xirfadeed, horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.
Kulanka kaddib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u kormeeray qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Waxay sidoo kale booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Fannaaniinta Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay bandhigyo ka tarjumayay hodantinimada hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Safiirka Dowladda Algeria, Danjire Maxamed Caliim, ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran, isagoo muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamed, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo xusay in wada shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanka ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta Warbaahinta Qaranka, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo is-weydaarsiga khibradaha labada dal.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa sidoo kale Safiirka uga mahadceliyay booqashadiisa iyo dadaallada uu ku xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Algeria.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa ka tarjumaya sida ay Soomaaliya iyo Algeria uga go’an tahay sii xoojinta xiriirkooda taariikhiga ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta, si loo abuuro fursado cusub oo la isku weydaarsado aqoonta, lagu horumariyo warbaahinta, lagu xoojiyo dhaqanka, laguna adkeeyo xiriirka labada shacab.


























