Diyaarad militari oo ku burburtay Suudaan iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo geeriyooday

Masuuliyiinta ayaan weli shaacinin tirada shaqaalaha saarnaa diyaaradda.

By
Shil diyaaradeed oo ka dhacay Suudaan oo ay ku naf waayeen dhammaan shaqaalihii saarnaa. / AP

Diyaarad milatari oo ay leedahay Suudaan ayaa burburtay xilli ay ku degaysay bariga dalka, iyadoo ay ku naf waayeen dhammaan shaqaalihii saarnaa, sida ay Arbacadii sheegeen saraakiisha militariga, taasoo noqotay shilkii diyaaradeed ee ugu dambeeyay ee ka dhaca dalka uu dagaalku halakeeyay.

Diyaaradda xamuulka ee Ilyushin Il-76 ayaa waxaa ku yimid cillad farsamo xilli ay isku dayeysay inay ku degto saldhigga ciidanka cirka Osman Digna ee magaalada Port Sudan, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalihii saarnaa la dilay laakin aanay shaacin tirada dadka saarnaa. Saraakiishu waxay ka hadleen iyadoo magacooda la qarinayo sababtoo ah looma oggolayn inay warbaahinta u warbixiyaan.

Waxaa ka mid ahaa meydadka duuliye milateri oo lagu magacaabi jiray Omran Mirghani, sida uu sheegay adeerkiis oo ah wariye caan ah oo Suudaani ah, Osman Mirghani, kaasoo baraha bulshada ku muujiyey murugo geeridiisa.

Shilalka diyaaradaha maaha wax aan caadi ahayn gudaha Suudaan, oo leh rikoor liita oo dhinaca badbaadada duulista. Bishii Febraayo, ugu yaraan 46 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa lagu dilay markii diyaarad milateri ku burburtay deegaan aad u dadka badan oo ku yaalla Omdurman, oo ah magaalo walaal la ah caasimadda Khartuum.

Shilkan ayaa yimid xilli milatarigu dagaal kula jiro xoogagga paramilitari ee Rapid Support Forces (RSF), kaasoo bilaabmay Abriil 2023 kadib khilaaf awood oo u dhexeeya ciidanka qaranka Suudaan iyo RSF. Khilaafku wuxuu dilay in ka badan 40,000 oo qof — tiradan waxa ay kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha u arkaan mid si weyn loo hoos-qiyaasay.

Dagaalku wuxuu burburiyey deegaanada magaalooyinka waxaana lagu xusay xadgudubyo ay ka mid yihiin kufsi kooxeed iyo dilal dad rayid ah kuwaasoo u dhiganta dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada, gaar ahaan gobolka galbeedka ee Darfur, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha.

Dagaalku sidoo kale wuxuu abuuray masiibo bani'aadantinimo oo ugu xun adduunka isla markaana qayb ka mid ah dalka galiyey macaluul.