Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Maxamuud Macallin ayaa maanta xarunta SoDMA kula kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud si ay uga wada hadlaan taageerada maxaabiista, carruurta agoonta ah ee ciidamada asluubta, iyo horumarinta adeegyada daryeelka xabsiyada.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga si wax looga qabto caqabadaha bani’aadantinimo ee haysta maxaabiista iyo qoysaska nugul ee la xiriira Ciidanka Asluubta.
Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalladeeda ka hortagga musiibooyinka wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda taageeridda maxaabiista, carruurta agoonta ah, iyo bulshada nugul.
Guddoomiye Maxamuud ayaa dib u xaqiijiyay sida SoDMA uga go’an tahay taageeridda Ciidanka Asluubta iyada oo loo marayo gargaar bani’aadantinimo, kormeerka xabsiyada, iyo dadaallada daryeelka kooxaha nugul.























