| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirka Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD-CEWARN
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay martigelisay shirka Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD-CEWARN, oo diiradda lagu saaray xoojinta digniinta hore, ka hortagga colaadaha iyo iskaashiga amniga gobolka.
Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirka Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD-CEWARN
Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirka Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD-CEWARN / SONNA


Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamza Aadan Haadow, ayaa si rasmi ah u soo xiray shir laba maalmood socday oo ay yeesheen Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Hannaanka Digniinta Hore iyo Ka Jawaabista Colaadaha (CEWARN) ee Urur Goboleedka IGAD, kaas oo noqonaya markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay martigeliso shirkan heer gobol.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah IGAD, Xoghaynta IGAD iyo khubaro ka tirsan CEWARN, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta nidaamyada digniinta hore, ka hortagga colaadaha iyo isku-duwidda jawaabaha wadajirka ah ee heer gobol.

Kulankan ayaa astaan muhiim ah u noqday ka qeybgalka Soomaaliya ee dadaallada nabadda iyo amniga gobolka, iyo doorka ay ku leedahay dejinta ajandaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

XIGASHO:SONNA