Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Khamiistii sheegay in Turkigu uu ilaalinayo xasilloonidiisa gudaha, isla markaana uu qaadanayo mas'uuliyadda xallinta khilaafaadka ka aloosan dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka, xilli dalkaas uu u dabbaaldegayo sannad-guuradii 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda.
Fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyay munaasabadda maalinta qaranka ee 29-ka Oktoobar, ayuu Madaxweyne Erdogan hambalyo ugu diray shacabka Turkiga, Qubrusiinta Turkiga, muwaadiniinta qurbaha ku nool, iyo dhammaan dadyowga ay wadaagaan xiriirka dhaqan iyo taariikheed ee la qaybsada farxadda iyo murugada dalkiisa.
Waxa uu tilmaamay in Jamhuuriyaddu ay tahay daliilka ugu weyn ee muujinaya go'aanka adag ee shacabka Turkiga ee ku aaddan inay u noolaadaan si xor ah, u madax-bannaanaadaan go'aanadooda, ayna gacantooda ku hannaamiyaan mustaqbalkooda.
Halgankii Qaranka iyo Madax-bannaanida
Erdogan ayaa xusay in halgankii qaran ee uu hoggaaminayay Mustafa Kemal Ataturk, aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, uu tusaale cad u yahay waxa uu qaran midaysan gaari karo xitaa xilliyada ay ugu adag tahay.
Waxa uu intaas ku daray in guushaas oo lagu gaaray duruufo adag, ay beddeshay qaddarka dalka, dibna u xaqiijisay awoodda rabitaanka shacabka iyo xaqa uu u leeyahay madax-bannaanida.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Turkigu uu sii ahaan doono dal u heellan nabadda iyo caddaaladda, isagoo ku dhaqmaya hal-kudhigga ah; "Nabad gudaha ah, iyo Nabad adduunka ah" .
Waxa uu sheegay in geesinimadii la muujiyay 103 sano ka hor ay weli dhiirrigelin u tahay qaranka. Isagoo soo bandhigaya horumarka dalkiisa, waxa uu horumarkii baaxadda lahaa ee 24-kii sano ee lasoo dhaafay laga sameeyay dhinacyada difaaca, tamarta, gaadiidka, iyo diblumaasiyadda ku sifeeyay tiirar u horseedaya Turki saameyn iyo barwaaqo badan.
"Turkigu waxa uu horumarinayaa tiknoolajiyaddiisa gaarka ah, waxa uu ballaarinayaa awooddiisa difaaca, wuxuu xoojinayaa amniga iyo saadka tamarta, isagoo casriyeynaya kaabeyaasha gaadiidka iyo kordhinta awoodda wax-soo-saarka," ayuu yiri Erdogan.
Hiigsiga Mustaqbalka ee 'Qarniga Turkiga'
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka oo ka kooban 86 milyan ay xaqiijin doonaan hiigsiga la magac-baxay 'Qarniga Turkiga', uuna dalku u jiheyn doono mustaqbal ifaya.
"Ilaahay mahaddii, Turkigu maanta wuu ka xoog badan yahay sidii uu shalay ahaa. Insha'Allah, berrina wuxuu ahaan doonaa mid aad u sii xoog badan, la ixtiraamo, saameyn ballaaranna ku leh dhinac kasta," ayuu yiri Erdogan, isagoo raaciyay in shacabka Turkigu ay raadkooda ku reebi doonaan qarnigan.
Ugu dambeyn, waxa uu xusay Ataturk, saaxiibbadiisii halganka, geesiyaashii naftooda u huray qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay askartii ku dhaawacantay difaaca dalka.
Wuxuuna hadalkiisa ku soo xiray: "Hambalyo sannad-guurada 103-aad ee Jamhuuriyaddeenna."























