Madaxweynaha Eritrea iyo Amiirka Boqortooyada Sacuudiga oo ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Sacuudi Carabiya.
Amiirka Sacuudiga ahna dhaxalsugaha, Maxamed bin Salmaan, iyo Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa Arbacadii kulan ku yeeshay Riyadh iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal.
Labada hoggaamiye ayaa dib u eegis ku sameeyey suurtogalnimada ballaarinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyo kala duwan oo ay danaynayaan labad dal, sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga SPA.
Madaxweynaha Ereteriya ayaa Talaadadii booqasho rasmi ah ku tagey caasimadda Sacuudiga.
Ereteriya waa mid ka mid ah toddoba dal oo xeebaha Badda Cas ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin Masar, Suudaan, Jabuuti, Yemen, Sacuudiga, iyo Urdun.
Sacuudiga ayaa dardargelinaya xaqiijinta ammaanka Badda Cas, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka ee ka imanaya Gacanka Carbeed una gudba dunida.