| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Diidday Magacaabista Safiir ay Israa’iil ku Sheegtay inuu u Fadhinayo Hargeysa
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayay Soomaaliya ku sheegtay in tallaabooyinkaas la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga helin Dowladda Federaalka.
Soomaaliya oo Diidday Magacaabista Safiir ay Israa’iil ku Sheegtay inuu u Fadhinayo Hargeysa
Soomaaliya oo Diidday Magacaabista Safiir ay Israa’iil ku Sheegtay inuu u Fadhinayo Hargeysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay safiir ka aqoonsatay Hargeysa iyo dhagax-dhigga dhisme ay ku tilmaantay safaarad, kaas oo laga dhisayo dhulka Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday in tallaabooyinkaas ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayay Soomaaliya ku sheegtay in tallaabooyinkaas la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga helin Dowladda Federaalka, sidaas darteedna ay yihiin kuwo sharci ahaan waxba kama jiraan ah oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay in Hargeysa iyo gobolka Somaliland ay weli yihiin qaybo aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in sameynta xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madax-bannaanida dalka, iyadoo la raacayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinkani ay daba socdeen aqoonsigii Israa’iil ay Somaliland siisay bishii Diseembar 2025, kaas oo Soomaaliya sheegtay in ay hore u diideen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Soomaaliya waxay sidoo kale ka digtay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala-qaybsanaanta isla markaana iska indha-tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ay sii kordhin karaan xiisadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan xilli ay gobolka ka jiraan xaalado amni darro.

Dowladda Federaalka ayaa Israa’iil ugu baaqday inay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkaas, waxayna dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara tallaabooyinkaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabooyin diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci oo ku habboon, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee dalkeeda. Waxay mar kale ku celisay in midnimada qaranka Soomaaliyeed aysan ahayn arrin laga gorgortami karo.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wadahadallo La Yeeshay Dhiggiisa Indonesia
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo Mahamade u magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Ronaldo oo shaaciyay inuu ka fariisanayo Portugal kaddib khilaaf soo dhexgalay tababaraha
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe
Caleemo-saarka Galmudug: Madaxweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb
Itoobiya iyo Suudaan oo is-dhaafsaday cayrin diblumaasiyiin iyo xirid qunsuliyado
Soomaaliya iyo Turkiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
RW Xamza oo Guddoomiyay Shirkii Ugu Horreeyay ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Dabaysha
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga shidaalka iyo kheyraadka macdanta
Xiisadda Tamarta Bariga Dhexe oo Banaanka Soo Dhigtay Nuglaanta Amniga Gobolka: IEA
Liibaan Axmed Xasan oo la wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug
Soomaaliya, UNSOS iyo AUSSOM oo Mar Kale Xaqiijiyay Ballanqaadkooda Isku-duwidda Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay doorka Jabuuti ee dib-u-dhiska Soomaaliya
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo ku dhaqaaqay xoojinta diiwaangelinta Qurbajoogta
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Lagu Dhisayo Hay'adda NEMA
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kormeer qiimeyn ah ku tagay magaalada Baraawe
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay hoggaanka cusub ee Shabakadda Qaranka ee Nabaddoonnada
Ereteriya: Madaxweyne Isaias Afwerki oo dalkiisa dib ugu laabtay
Uganda oo billowday ka-bixitaanka Soomaaliya, soo afjaraysa joogitaankeeda milateri dhammaadka 2027
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo safar shaqo uga billowday dalka Jabuuti