| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Xeerka Shaqaalaha Soomaaliya oo dhaqan galaya 52 sano ka dib
FESTU iyo 12-ka urur ee xiriirka la leh ayaa in ka badan 10 sano u ololeynayay dib-u-habeyntan, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xaqiijineysa in xuquuqda shaqaaluhu ay yihiin xuquuqda aadanaha.
Xeerka Shaqaalaha Soomaaliya oo dhaqan galaya 52 sano ka dib
Xeerka Shaqaalaha Soomaaliya oo dhaqan galaya 52 sano ka dib / User Upload

Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay (UN), ayaa bilaabay olole qaran oo wacyigelin ah si shaqaaluhu u fahmaan una difaacaan xuquuqdooda shaqo, loona hirgeliyo Xeerka Shaqaalaha cusub ee Soomaaliya oo dhaqan galay kadib 52 sano oo aan dib-u-habeyn lagu samayn.

Xeerkan waxaa lagu diyaariyay wadaxaajoodyo u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA), Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI) iyo FESTU, iyadoo taageero farsamo iyo mid dhaqaale laga helay Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO). Qoraalka ayaa markii dambe ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxiixay Madaxweynaha.

FESTU iyo 12-ka urur ee xiriirka la leh ayaa in ka badan 10 sano u ololeynayay dib-u-habeyntan, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xaqiijineysa in xuquuqda shaqaaluhu ay yihiin xuquuqda aadanaha.

Intii u dhexeysay Oktoobar iyo Diseembar 2025, FESTU waxay hirgelisay Barnaamijka Wacyigelinta Xuquuqda Shaqaalaha iyadoo la kaashaneysa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo UNICEF. Tababarrada ayaa ka dhacay Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Beledweyne, iyadoo lagu barayay shaqaalaha qaab-dhismeedka sharci ee cusub ee maamula shaqada Soomaaliya.

Guud ahaan 218 shaqaale ayaa lagu tababaray, oo ay ku jiraan 98 haween ah iyo 53 qof oo naafada ah. FESTU ayaa sidoo kale qaybisay in ka badan 3,200 qalab wacyigelin ah oo ku qoran lahjadaha Maxaa Tiri iyo Maay, iyadoo olole warbaahineed oo raadiyo, telefishan iyo baraha bulshada ah uu gaaray in ka badan 2.3 milyan oo qof.

FESTU waxay sheegtay in ujeeddadu tahay in sharcigan cusub loo beddelo aalad dhab ah oo ilaalisa xuquuqda shaqaalaha, oo ay ku jiraan mushahar caddaalad ah, badbaadada goobaha shaqada iyo ka hortagga ku-takri-falka. Waxay sidoo kale ku boorrisay dowladda inay si buuxda u hirgeliso qodobbada sharciga, gaar ahaan kuwa la xiriira rabshadaha iyo tacaddiga goobaha shaqada.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Waddamada Afrika oo Nairobi uga arrinsaday joojinta dhoofinta macdanta ceeriin
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorshe lagu casriyeynayo safaaradaha dalka
Soomaaliya iyo QM oo Muqdisho kaga wada hadlay marxaladda kala-guurka ee hawlgalka UNTMIS
Qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya oo Muqdisho looga arrinsaday
Marwada Koowaad Sahro Cumar Xasan oo Booqasho ku Tagtay Xarunta Daryeelka Carruurta Agoonta ah
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kulan Lagu Xoojinayo Taageerada Xabsiyada la yeeshay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Deegaanka XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Afrika ee Horumarka Waara: Itoobiya
Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Maamul Wanaagga iyo Dhismaha Nabadda
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Saddex ganacsade oo lagu toogtay bartamaha magaalada Johannesburg xilli ay quraacanayeen
QM oo si kulul u cambaaraysay weerarrada salka ku haya ajnabi-nacaybka ee Koonfur Afrika
Soomaaliya iyo ASYAD oo Ka Wadahadlay Iskaashi Istaraatiiji ah oo Ku Saabsan Dekedaha iyo Saadka
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM