| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxamed Almowallad.

Safiir Almowallad ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ugu hambalyeeyay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo Safiirka Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.