| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya
War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray, uuna ku soo daabacay boggiisa baraha bulshada ee Facebook, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo si kulul u beeniyay eedeymo la xiriira safarkiisii Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Xaaji Cabdirashiid, oo horay u soo ahaa Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si kulul u beeniyay eedeymo maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray safar uu dhowaan ku tagay dalka Kenya.

War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray, uuna ku soo daabacay boggiisa baraha bulshada ee Facebook, ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ku tilmaamay eedeymahaas kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in uu ku lug yeeshay falal kasta oo wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida iyo bedqabka dhuleed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Jibriil ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqadiisa qaranka uu u guto si waafaqsan sharciga, isagoo dhawraya nabadda gobolka iyo xiriirka wanaagsan ee derisnimada.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu mas’uulku ammaan ballaaran u jeediyay dowladda iyo shacabka Kenya, isagoo ku sifeeyay saaxiib dhow oo mar walba garab taagnaa Soomaaliya xilliyadii adkaa.

Waxa uu xusay doorkooda ku aaddan martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, sugidda amniga gobolka, iyo taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriir qoto dheer oo taariikhi iyo ganacsi ah uu ka dhexeeyo labada shacab, isagoo xaqiijiyay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo is-dhexgalka bulshada.

Ugu dambayn, Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa ugu baaqay bulshada weynta iyo warbaahinta inay ka fogaadaan baahinta iyo faafinta wararka aan la xaqiijin ee bulshada lagu jahawareerinayo, isagoo dib u cusboonaysiiyay sida uu diyaar ugu yahay ilaalinta dowladdnimada iyo wada-shaqeynta Kenya.”