Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya ayaa ku dhawaaqday iskaashi iyo taageero ay la yeelanayso Pan-African Biennale, oo ah hay’ad qaaradeed oo u heellan naqshadeynta dhismayaasha, qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta goobaha guud ahaan Afrika.
Biennale-ku wuxuu isu keenaa xirfadlayaal, aqoonyahanno iyo bulshooyin matalaya dhammaan 54-ta dal ee Afrika, isagoo siinaya madal ay Afrika ku qeexdo, ku diiwaangeliso kuna horumariso aragtideeda u gaarka ah ee naqshadeynta dhismayaasha iyo magaalooyinka.
Soomaaliya, iskaashigan waxa uu u leeyahay muhiimad gaar ah, isagoo ka tarjumaya waayo-aragnimada dalka ee xiriirka ka dhexeeya goobta, aqoonsiga, adkeysiga iyo dib-u-dhiska. Safaaradda ayaa xustay in naqshadeynta dhismuhu aysan ku koobnayn oo keliya dhismaha dhismayaasha, balse ay door ka qaadato ilaalinta xusuusta, soo celinta karaamada, xoojinta bulshooyinka iyo qaabeynta mustaqbalka.
Bandhiggii ugu horreeyay ee Biennale oo lagu qabtay Nairobi, halku-dhiggiisuna ahaa “Beddelidda Xarunta: Nuglaanta ilaa Adkeysiga,” ayaa ka tarjumaya waayo-aragnimada ay wadaagaan bulshooyinka Afrika iyo hal-abuurka ka soo baxaya bulshooyinka ku kala nool qaaradda.
Safaaradda ayaa ugu hambalyeysay Omar Degan, Aasaasaha iyo Agaasimaha Pan-African Biennale, iyo dhammaan kooxda Biennale aragtidooda, nidaamka shaqadooda iyo dadaalka wadajirka ah ee ay ku dhiseen hindisahan qaaradeed.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan garab istaagno hindise mudnaan siinaya aqoonta Afrika, codadka Afrika iyo xalalka Afrika, isla markaana kuwaas ka dhigaya udub-dhexaadka doodda ku saabsan magaalooyinka iyo goobaha ay jiilasha mustaqbalka dhaxli doonaan,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle.























