| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha CXDS oo Furay Shir Ay Isugu Yimaadeen Taliyeyaasha Sirdoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee dalalka Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo ka qeybgalayaashu ka doodayeen caqabadaha jira iyo sida loo xoojin karo iskaashiga dhinaca sirdoonka.
Taliyaha CXDS oo Furay Shir Ay Isugu Yimaadeen Taliyeyaasha Sirdoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Furay Shir Ay Isugu Yimaadeen Taliyeyaasha Sirdoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shir ay isugu yimaadeen taliyeyaasha sirdoonka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo loo qorsheeyay inuu socdo inta u dhexeysa 29-30 Abriil 2026.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee dalalka Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo ka qeybgalayaashu ka doodayeen caqabadaha jira iyo sida loo xoojin karo iskaashiga dhinaca sirdoonka.

Khudbaddiisa furitaanka, Taliyaha ayaa ka hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya, isbeddellada ballaaran ee gobolka, iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga sirdoonka. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay horumarka laga sameeyay dib u habaynta iyo soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, wuxuu u mahadceliyay wafdiyada ka qeybgalaya shirka, isagoo muujiyay rajada ah in kulankan uu keeni doono natiijooyin wax ku ool ah oo muuqda.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
In ka badan 800 oo Rayid ah oo ay dileen Maleeshiyaadka ADF ee Bariga DRC tan iyo Janaayo: Iracan
Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho
Kumaandooska Danab oo Badbaadiyay Dad Rayid ah intii lagu jiray Hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ku Qabtay Wadahadal Heer Sare ah oo Iskaashi
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Munaasabadda Wareejinta Wasaaradda Warfaafinta
Shir Madaxeedka Africa Forward oo Ansixiyay Baaqa Nabadda, Hal-abuurka iyo Isbeddelka Dhaqaalaha
Wasiirka cusub ee Warfaafinta JFS oo lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka
Masar oo Xaqiijisay in Markab Shidaal lagu Afduubtay Xeebaha Yemen loona Kaxeeyay Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Dhiggiisa Aljeeriya oo ka Wadahadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
MW Xasan Sheekh oo Gaaray Uganda si uu uga Qayb Galo Munaasabadda Caleema-saarka Museveni
Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay in la Dhameystiray Tirinta Codadka Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Ra’iisul Wasaare Xamza oo La Kulmay Danjiraha Qatar si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal
Hoggaamiyeyaal Sare oo Soomaaliyeed oo Ka Qaybgalay Doorashooyinka Koonfur Galbeed
Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shir Madaxeedka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka
MW Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Doorashooyinka Nabdoon ee Koonfur Galbeed, Kana Digay Bannaanbaxyada
Maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinaya doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof iyo cod’ ah
UNDP oo ku baaqday maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo shaqooyinka iyo adeegyada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini