| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Aljeeriya Dr. Mohamed Alim ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada / SONNA

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Mohamed Alim.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga waxbarasho ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Dawladda Aljeeriya uga mahadceliyay taageerada iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo uu ku tilmaamay tiir-dhexaadka horumarka iyo mustaqbalka labada shacab.

XIGASHO:SONNA