Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah deegaannada Galmudug.
Intii uu kulanku socday, Safiirka Turkiga ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay xog la xiriirta shaqada qodista shidaalka ee laga wado xeebaha Galmudug. Safiirka ayaa xaqiijiyay in markabka sahaminta iyo qodista shidaalka ee dowladda Turkiga ee Çağrı Bey uu si xowli ah u wado shaqada qodista ee Ceelka Curad-1, taas oo tilaabo weyn u ah rajada dhaqaale ee dalka.
Dhanka kale, qoraal rasmi ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay kulankan, iyadoo lagu tilmaamay mid guul ku soo dhammaaday oo diiradda lagu saaray xaaladaha dalka.
“Waxaan wada-hadal miro-dhal ah la yeelannay Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo ku saabsanaa arrimaha hadda taagan, xilli uu booqasho ku yimid safaaradda. Waxaan uga mahadcelinaynaa booqashadiisa qiimaha leh,” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee kasoo baxay safaaradda.























