Dowladaha Itoobiya iyo Suudaan ayaa xiray qunsuliyadihii ay ku kala lahaayeen magaalooyinka xuduudda, tallaabadaas oo ah tii ugu dambaysay ee muujinaysa xumaanshaha xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, kaddib markii ay is-dhaafsadeen eedeymo la xiriira faragelin qaawan oo mid walba uu ku hayo dagaallada sokeeye ee dalka kale.
Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaa Arbacadii wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in Addis Ababa ay xirtay Qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Assosa, isla markaana ay 48 saacadood u qabatay lix diblumaasi oo Suudaani ah inay dalka kaga baxaan.
Tallaabadaas waxaa si degdeg ah "aargoosi" uga falcelisay Khartuum, oo iyaduna xirtay Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Gedaref ee bariga Suudaan, kana eriday diblumaasiyiintii fadhiyay, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin Suudaani ah.
Dacwadaha Qaramada Midoobay iyo eedeymaha is-dhaafka ah
Go’aankan diblumaasiyadeed ee is-dhaafka ah ayaa daba-socda dacwad rasmi ah oo dowladda Suudaan ay Axaddii u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
Khartuum ayaa Addis Ababa ku eedaysay inay taageero toos ah siiso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kuwaas oo dagaal ba'an kula jira ciidamada qaranka Suudaan tan iyo bishii Abriil 2023.
Colaaddaas ayaa sababtay barakaca in ka badan 14 milyan oo qof, iyadoo abuurtay xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd caalamka.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymahaas, iyadoo caddaysay inaanay dhex-galayn arrimaha gudaha ee Suudaan.
Taas beddelkeeda, Itoobiya ayaa Khartuum iyo dalalka kale ee Masar iyo Eritrea ku eedaysay inay taageeraan kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas, eedeyntaas oo saddexda dalba ay iska fogeeyeen.
Xiisaddan diblumaasiyadeed ee cirka isku sii shareeraysa ayaa abuurtay cabsi xooggan oo laga qabo in gacan-siinta jabhaddaha is-diidan ay horseeddo in colaadaha labada dal ay isku fidaan, taas oo khatar weyn gelin karta xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.





















