| Somali
CAALAMKA
4 daqiiqo akhris
Liibiya iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay qabanqaabada Shir-madaxeedka Afrika iyo Turkiga
Shirkan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Tripoli ayaa kulmin doona hoggaamiyeyaasha Afrika iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, si loo sii ballaariyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac
Liibiya iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay qabanqaabada Shir-madaxeedka Afrika iyo Turkiga
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya, Cabdixamiid Dbeibah. / AU

Mas’uuliyiinta xukuumadda Liibiya iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa wada-hadallo ka yeeshay diyaar-garowga iyo qabanqaabada Shir-madaxeedka Afaraad ee Afrika iyo Turkiga, kaas oo lagu wado in bisha Diseembar ee sannadkan lagu qabto magaalada Tripoli.

Shirkan ayaa la filayaa inuu kulmiyo madaxda dalalka Afrika iyo mas’uuliyiinta sarsare ee Turkiga, iyadoo labada dhinac ay diiradda saari doonaan sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga arrimaha ganacsiga, maalgashiga, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo diblumaasiyadda.

Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf oo toddobaadkan booqasho ku yimid Liibiya, ayaa kulan la qaatay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, El-Taher El-Baour iyo xubno kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Liibiya ayaa xaqiijisay in kulankaas looga arrinsaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Guddiga Midowga Afrika, loona habeyn lahaa ajandayaasha shirka oo furmaya 8-da bisha Diseembar, soconna doona muddo laba maalmood ah.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa ka wada-hadlay xaaladaha ka jira qaaradda iyo iskaashiga ay ka leeyihiin fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Midowga Afrika oo dib u furay xafiiskiisa Tripoli

Booqashada Yuusuf ayaa ku soo beegantay xilli Liibiya ay waddo dadaallo diblumaasiyadeed oo ay ku xoojinayso xiriirka hay’adeed ee kala dhexeeya Midowga Afrika.

Intii uu ku sugnaa Tripoli, Guddoomiye Yuusuf ayaa si rasmi ah dib ugu furay xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee magaaladaas, wuxuuna sidoo kale kormeeray xarun loo qoondeeyay inuu dego xafiiska Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika (NEPAD).

Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xafiiskan cusub uu gacan ka geysan doono xoojinta iskaashiga Liibiya ee dhinacyada nabadda, amniga, dowlad-wanaagga, awood-siinta dhallinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada habaysan ee isaga gudba xuduudaha.

Xukuumadda Tripoli ayaa dib-u-soo-noqoshada Midowga Afrika u aragta guul muujinaysa dadaalkeeda ku aaddan dib-u-soo-celinta kaalinteedii siyaasadeed ee arrimaha qaaradda. Dhanka kale, El-Baour iyo Yuusuf ayaa isla soo qaaday diyaar-garowga kulan kale oo Liibiya ay martigelinayso 10-ka illaa 11-ka Oktoobar.

Kulankaas oo ay yeelanayaan 'Guddiga Tobanka Dal' ee Midowga Afrika (C10), ayaa looga arrinsan doonaa dib-u-habaynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirkii Afaraad ee Afrika iyo Turkiga

Illaa iyo hadda waxaa la qabtay saddex Shir-madaxeed oo u dhexeeya Afrika iyo Turkiga. Shirkii ugu horreeyay waxa uu ka dhacay magaalada Istanbuul sannadkii 2008-dii, halka kii labaadna lagu qabtay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea sannadkii 2014-kii. Istanbuul ayaa mar kale martigelisay shirkii saddexaad sannadkii 2021.

Sidoo kale, waxaa qabsoomay saddex shir oo heer wasiir ah; labadii hore waxay ka dheceen Istanbuul (2011 iyo 2018), halka kii dambe lagu qabtay Jabuuti sannadkii 2024-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa horraantii sannadkan caddeeyay in shirka Tripoli uu noqon doono tallaabada weyn ee xigta ee lagu adkeynayo iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Xiriirka Turkiga iyo Afrika oo sii ballaaranaya

Shirkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad labaatan sano oo uu Turkigu si xawli ah ku ballaarinayay xiriirkiisa siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Xukuumadda Ankara ayaa xiriirka qaaradda dardargelisay dhammaadkii 1990-meeyadii markii ay dejisay 'Qorshaha Waxqabadka Afrika'. Xiriirkaas ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2008-dii markii Midowga Afrika uu Turkiga u aqoonsaday "Saaxiib Istaraatiiji ah".

Sida ay diiwaangelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa hadda qaaradda Afrika ku leh 44 safaaradood — marka la barbar-dhigo 12 safaaradood oo keliya oo ay lahayd sannadkii 2002-dii. Taas beddelkeedana, 38 dal oo Afrikaan ah ayaa safaarado ku leh magaalada Ankara.

Wasiir Hakan Fidan ayaa bishii Abriil sheegay in xajmiga ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Afrika uu gaaray $36.6 bilyan oo doollar. Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa iyaduna duullimaadyo toos ah ku tagta 64 goobood oo qaaradda ku yaalla. Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-duwidda Turkiga ee (TİKA) ayaa dhankeeda Afrika ku leh 22 xafiis.

Iskaashiga Amniga iyo Diblumaasiyadda

Amniga iyo diblumaasiyadda ayaa noqday lafdhabarta siyaasadda Turkiga ee arrimaha Afrika. Ankara ayaa dalal badan oo Afrikaan ah la samaysatay iskaashi dhanka difaaca ah, oo ay ku jiraan tababarrada ciidamada iyo dhisidda awoodda warshadaha difaaca. Sidoo kale, Turkigu wuxuu door dhex-dhexaadin ah ka qaatay khilaafaadka qaar ee gobolka.

Tusaalaha ugu muuqda ayaa ah dhex-dhexaadintii uu Turkigu ka dhex-bilaabay Soomaaliya iyo Itoobiya. Dadaalladaas ayaa horseeday in bishii Diseembar 2024-ka lagu gaaro 'Bayaankii Ankara', halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ay ku heshiiyeen inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyadoo sanadkii 2025-kana ay sii socdeen wada-hadallo farsamo oo ay fududeynaysay dowladda Turkiga.

Liibiya ayaa haatan u aragta martigelinta shir-madaxeedka soo socda fursad qaali ah oo ay dib ugu soo laabanayso fagaaraha diblumaasiyadda Afrika, iyadoo ka faa'iidaysanaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Turkiga iyo Midowga Afrika.