Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa toddobaadkan fulisay afar howlgal amni oo qorsheysan oo ka kala dhacay qaybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 23 argagixiso oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Howlgalladan ka-hortagga ah ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad isku diyaarinayay inay weerarro ka fuliyaan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Hirshabeelle.
NISA waxay sheegtay in weerarradu ay daba socdeen xog sirdoon oo la helay taasoo muujinaysay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku uruursanayeen deegaannada Waab-Weyn iyo Goobo ee hoos taga degmada Maxaas, oo uu hoggaaminayay taliye lagu magacaabo Mustafa Caato, iyo sidoo kale koox kale oo isku abaabulaysay deegaanka Maxaa Saciid ee Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa sidoo kale sababay burburinta xero maleeshiyaadku ku lahaayeen degmada Moqokori ee Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ay ku jiraan xubno ka tirsan waxa loogu yeero cutubyada “Xisbada,” kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshayaal weerarro ah oo laga geysan lahaa gobolka.
NISA ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta howlaha la dagaallanka argagixisada si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida qaranka.


















