| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Nairobi ku qaabilay Ruth Anne Stevens Klitz, iyagoo ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka, iskaashiga amniga iyo taageerada hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka / SONNA

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth Anne Stevens Klitz, Ku-xigeenka Safiirka ahna Sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada Maraykanku siiyo dadaallada amniga Soomaaliya iyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee ka dhanka ah kooxaha ay ka mid tahay Al-Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay danaha ay wadaagaan labada dal iyo siyaabaha loo sii xoojin karo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka.