| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka
Danjire Jibriil iyo Madaxda UN-Habitat ee Soomaaliya, ayaa ka wadahadlay in arrimaha guriyeynta si wax-ku-ool ah loogu daro Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya, xoojinta xalalka waara ee barakaca iyo taageeridda soo kabasho waarta.
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ku qaabilay Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, si looga wada hadlo horumarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta magaalooyinka, kaabeyaasha, ilaha nololeed, dawladaha hoose iyo qorshaha guriyeynta Soomaaliya.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray in arrimaha guriyeynta si wax-ku-ool ah loogu daro Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya, xoojinta xalalka waara ee barakaca iyo taageeridda soo kabasho waarta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar-garowga kulanka soo socda ee Somali Housing Breakfast, kaas oo isu keeni doona Dawladda, la-hawlgalayaasha horumarinta, ganacsiga gaarka loo leeyahay, bangiyada iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso, si loo dardargeliyo sameynta Siyaasad Guriyeyn oo isku dhafan oo Soomaaliya yeelato, taas oo hoos imanaysa Africa Affordable Housing Compact, iyadoo lala kaashanayo UN-Habitat.

Safiirka ayaa muujiyay diyaar-garowga uu u leeyahay fududeynta sii socoshada iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu doonayo in wadahadallada loogu beddelo tallaabooyin isku-dubbaridan oo lagu xaqiijinayo guryo waara oo la awoodi karo oo Soomaaliya laga hirgeliyo.

XIGASHO:SONNA