Guddoomiyaha Midowga Afrika oo qaabilay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga

Kulankan oo ahaa mid heer sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, arrimaha horumarinta, iyo dadaallada nabadeynta ee qaaradda Afrika.

By
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo qaabilay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga / AU

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Eng. Waleed Elkhereiji iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ahaa mid heer sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, arrimaha horumarinta, iyo dadaallada nabadeynta ee qaaradda Afrika.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka soo jireenka ah iyo isku-xirnaanta dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhexeeya qaaradda Afrika iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay iskaashiga joogtada ah iyo maalgashiga sii kordhaya ee xukuumadda Riyaad ay ku sameyneyso qaaradda, iyo weliba doorka wax-dhiska ah ee ay ku leedahay diblomaasiyadda gobolka iyo tan caalamkaba.

Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhoweeyay kaalinta togan ee diblomaasiyadda Sacuudiga, gaar ahaan taageerada muhiimka ah ee ay Boqortooyadu siiso dadaallada nabadda iyo xasilloonida waddamada Soomaaliya, Suudaan, iyo Liibiya.