| Somali
FANKA & DHAQANKA
3 daqiiqo akhris
Guryosamo oo xafiis cusub ka furtay Nairobi si ay u taageerto dhismaha qoysaska Soomaaliyeed
Aasaasaha ahna Guddoomiyaha Guryosamo, Axmed Abshir Geeddi, ayaa sheegay in hay’adda loo aas-aasay sidii dadka Soomaaliyeed looga caawin lahaa dhismaha qoysas, gaar ahaan kuwa ay ku adag tahay helitaanka lammaane ku habboon
Guryosamo oo xafiis cusub ka furtay Nairobi si ay u taageerto dhismaha qoysaska Soomaaliyeed
Munaasabadda furitaanka xafiiska cusub waxaa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, culimaa’udiin, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale. / Others

Hay’adda Guryosamo ayaa xafiis cusub ka furtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ballaarinaysa adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed ka siiso dhinaca guurka, dhismaha qoysaska iyo isku-xirka dadka doonaya lammaane nololeed.

Munaasabadda furitaanka xafiiska cusub waxaa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle, culimaa’udiin, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Aasaasaha ahna Guddoomiyaha Guryosamo, Axmed Abshir Geeddi, ayaa sheegay in hay’adda loo aas-aasay sidii dadka Soomaaliyeed looga caawin lahaa dhismaha qoysas, gaar ahaan kuwa ay ku adag tahay helitaanka lammaane ku habboon.

Wuxuu sheegay in Guryosamo ay mudnaan gaar ah siiso dadka naafada ah iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo mararka qaar wajahaya caqabado dheeraad ah marka ay doonayaan inay helaan lammaane ama dhistaan qoys.

Geeddi wuxuu tilmaamay in hadafka hay’addu uusan ku koobnayn oo keliya isku-xirka dadka doonaya guurka, balse uu sidoo kale yahay in la xoojiyo ka qeybgalka bulshada iyo in fursado siman loo abuuro dadka duruufaha gaarka ah qaba.

Culimaa’udiinkii ka hadlay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey furitaanka xafiiska cusub, iyagoo sheegay in qoysku yahay tiir muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la fududeeyo waddooyinka saxda ah ee lagu dhisayo qoysas wanaagsan.

Waxay xuseen in dhallinyarada, dadka naafada ah iyo dadka ay duruufaha nololeed ku adkeeyeen guurka ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah si ay u helaan fursado ku habboon.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in adeegyada Guryosamo ay muhiim u yihiin bulshada, gaar ahaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Guryosamo waxay bulshada u qabataa shaqo muhiim ah, gaar ahaan sidii loo fududeyn lahaa in dadka naafada ah iyo dadka kale ee duruufaha gaarka ah qaba ay helaan fursad ay ku dhistaan qoysas,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa sheegay in adeegyada noocan ah ay gacan ka geysan karaan xoojinta isku-xirnaanta iyo is-dhexgalka bulshada.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay taageeraan howlaha Guryosamo, si adeegyada hay’addu u noqdaan kuwo joogto ah oo gaara dadka u baahan.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo awood u leh inay taageerto howlaha Guryosamo inay ka qeyb qaataan sidii adeegyada xafiiskani u heli lahaayeen taageero ku filan,” ayuu yiri.

Intii ay munaasabaddu socotay, Guryosamo ayaa Safiirka guddoonsiisay bilad iyo shahaado sharaf, iyadoo uga mahadcelisay taageerada uu siiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo garab istaaggiisa howlaha hay’adda.

Furitaanka xafiiska Nairobi ayaa Guryosamo siinaya fursad ay si dhow ugu gaarto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan dadka doonaya taageero dhinaca guurka iyo dhismaha qoysaska.

Safiir Jabriil ayaa ugu dambeyn ku dhiirrigeliyey maamulka Guryosamo inay sii ballaariyaan adeegyada ay bixiyaan, isla markaana ay sii xoojiyaan dadaallada lagu taageerayo qoysaska iyo isku-xirka bulshada Soomaaliyeed.

XIGASHO:TRT SOMALI