| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Hal Sano u Kordhiyay Howlgalka Koonfurta Suudaan
Saddex iyo toban xubnood oo ka tirsan golaha ayaa u codeeyay kordhinta howlgalka ilaa 30 ka bisha Abriil, 2027, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Hal Sano u Kordhiyay Howlgalka Koonfurta Suudaan
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Hal Sano u Kordhiyay Howlgalka Koonfurta Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii muddo hal sano ah u kordhiyay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS).

Saddex iyo toban xubnood oo ka tirsan golaha ayaa u codeeyay kordhinta howlgalka ilaa 30 ka bisha Abriil, 2027, halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen.

Ergayga Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Mike Waltz, ayaa yiri: “Mareykanka waa ka dhab marka uu leeyahay howlgalada nabad ilaalintu waa inay noqdaan kuwo ku meel gaar ah oo ka caawiya dowladaha martida loo yahay inay ka gudbaan dhibaatooyinka nabadda iyo amniga, balse aysan noqonin taageero aan dhammaad lahayn oo dowladuhu ka faa’iideystaan ama si khaldan u adeegsadaan ciidamada nabad ilaalinta.”

“Annagu halkan uma joogno inaan ku qasabno Koonfurta Suudaan qaab siyaasadeed ama fikir gaar ah,” ayuu yiri Waltz, isagoo intaas ku daray in Mareykanku doonayo “in la dalbado waxyaabaha aasaasiga ah: nabad, isticmaal mas’uuliyad leh oo dakhliga dadweynaha ah, iyo in la joojiyo ku takrifalka gargaarka loogu talagalay shacabka Koonfurta Suudaan.”

Ku-xigeenka ergayga Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Sun Lei, ayaa kadib codbixinta sheegay in qaraarku “dib u kiciyay ciidanka si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan iyo hirgelinta heshiisyada la cusbooneysiiyay” isla markaana uu ku dooday in uu “cadaadis xad-dhaaf ah saarayo” dowladda Koonfurta Suudaan.

“Marka laga hadlayo arrimaha la xiriira iskaashiga u dhexeeya ciidamada iyo Koonfurta Suudaan, Golaha Ammaanka waa inuu si buuxda u tixgeliyaa walaacyada sharciyeysan ee dowladda Koonfurta Suudaan, isla markaana uu dhiirrigeliyo oo taageero labada dhinac inay u wada shaqeeyaan himilo wadajir ah,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in “cadaadis hal dhinac ah oo xad-dhaaf ah uu kaliya keeni doono natiijo aan wanaagsanayn .”

Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Ruushka ee Arrimaha Siyaasadda, Anna Evstigneeva, ayaa muujisay taageero buuxda oo ay u hayso howlaha UNMISS ee Koonfurta Suudaan. Si kastaba ha ahaatee, waxay dhaleeceysay Mareykanka inuu cadaadis saarayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa asxaabteena Mareykanka inay ka fogaadaan ku takrifalka doorka ay si aan rasmi ahayn ugu hayaan faylka Koonfurta Suudaan si ay u riixaan ajendahooda oo horseedi kara in la wiiqo hoggaanka hadda jira ee Koonfurta Suudaan,” ayay tiri.

XIGASHO:AA