| Somali
TURKIGA
3 daqiiqo akhris
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya
Tallaabadan ayaa timid kaddib wada-hadallo ay wasiirrada difaaca ee labada dal ku yeesheen intii uu socday Shirka Diblomaasiyadda Antalya ee 2026, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Nigeria.
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya / User Upload
6 saacadood ka hor

Dowladdaha Nigeria iyo Turkiga ayaa isku raacay in ay sii xoojiyaan xiriirkooda dhanka difaaca, iyagoo ku heshiiyay xirmo isugu jirta tababarro, is-dhaafsi teknoolojiyad, iyo iskaashi dhanka amniga badda ah.

Tallaabadan ayaa timid kaddib wada-hadallo ay wasiirrada difaaca ee labada dal ku yeesheen intii uu socday Shirka Diblomaasiyadda Antalya ee sanadka 2026 (Antalya Diplomacy Forum 2026), sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Nigeria.

Wasiirka Difaaca ee Nigeria, Christopher Gwabin Musa, ayaa hoggaaminayay wafdi la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga, Wasiir Yaşar Güler.

Labada dhinac ayaa si wadajir ah u dejiyay tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada milatariga ee dalka Nigeria.

Heshiiskan ayaa waxa uu qeexayaa in la ballaariyo barnaamijyada tababarka ee la siiyo ciidamada Nigeria, gaar ahaan hawlgallada gaarka ah, la-dagaallanka argagixisada, isku-xirka sirdoonka, iyo ka-hortagga khataraha ka dhasha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo miinooyinka macmalka ah (IED).

Waxaa la qorshaynayaa in dufcaddii ugu horreysay ee ciidamada Nigeria loo diro dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo dhanka kalena qorshuhu yahay in xero tababar oo milatari laga hirgeliyo gudaha Nigeria.

Labada dal ayaa sidoo kale isku raacay in ay ka wada shaqeeyaan warshadaha difaaca, taas oo ay ku jirto is-dhaafsiga teknoolojiyadda, tababarrada dayactirka qalabka, iyo mashaariic horumarineed oo wadajir ah.

Waxaana la filayaa in wada-hadallo intan ka ballaaran ay yeeshaan inta lagu guda jiro Carwada Difaaca Caalamiga ah ee IDEF 2026.

Dowladda Turkiga ayaa muujisay in ay diyaar u tahay in ay ku taageerto Nigeria hababka casriga ah ee la-socodka iyo ilaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamka kormeerka satalaytka, iyo qalab casri ah oo isugu jira kuwa dhulka iyo kuwa hawada, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay in ay daboolaan baahiyaha hawlgaleed ee ciidamada Nigeria.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku afgartay in ay billaabaan shaqooyin farsamo oo la xiriira maamulka xuduudaha ee isku-dhafan, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo ka-jawaabidda khataraha kooxaha hubaysan ee aan dowladda ahayn ee awooddoodu sii kordhayso.

Iskaashigan ayaa waxa uu sidoo kale ku fidi doonaa barnaamijyada hub ka-dhigista iyo dhaqancelinta dagaalyahannadii hore.

Dhinaca cirka, heshiiska ayaa daboolaya taageerada dayactirka, silsiladaha sahayda, iyo tababarro kor loogu qaadayo u-diyaargarowga hawlgallada, waxaana qayb ka ah qorshe ay Nigeria ku iibsan karto diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Dhanka badda, iskaashiga ayaa isugu jiri doona kormeerida nidaamyada Turkiga iyo tababarro la xiriira amniga baddaha, si loo horumariyo awoodda difaaca xeebaha Nigeria.

Labada dal ayaa sheegay in fulinta heshiiskan ay noqon doonto mid wejiyo loo kala qaybiyay, iyadoo dalka Nigeria laga filayo in uu bixiyo goobo – oo ay ku jirto gacan xeebeed – si looga sameeyo xarumo tababar iyo saldhigyo hawlgal.

“Natiijooyinka kasoo baxay wada-xaajoodyadan waxay astaan u yihiin tallaabo weyn oo loo qaaday horumarinta xiriirka dhanka difaaca ee Nigeria iyo Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Musa, isagoo intaas ku daray in xukuumadda Abuja ay higsanayso in iskaashigan ay ka dhaxasho guulo amni oo “muuqda” isla markaana la taaban karo.