Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada Iiraan

Bayaanka ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa gardarrada Iiraan, waxayna garab is-taagaysaa dalalka walaalaha ah ee la kulmay xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanidooda.”

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abdisalam Abdi Ali / TRT SOMALI

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay fulisay Iiraan oo lagu beegsaday dhowr dal oo Carbeed, iyadoo dhacdadan ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Muqdisho ay garab taagan tahay dalalka Qadar, Sacuudi Carabiya, Kuwait, Urdun, Baxreyn, iyo Cumaan.

Soomaaliya ayaa taageero buuxda u muujisay tallaabooyinka ay dalalkaas u qaadayaan difaaca naftooda iyo ilaalinta bedqabka dhulkooda.

Bayaanka ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa gardarrada Iiraan, waxayna garab is-taagaysaa dalalka walaalaha ah ee la kulmay xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanidooda.”

Muqdisho ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya gobolka inay ka fogaadaan adeegsiga awoodda, iyadoo xoojisay in wadahadalka iyo diblomaasiyadda ay yihiin waddada keliya ee lagu xaqiijin karo xasiloonida caalamiga ah.