| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa rigooreyaal 4–2 ah kaga adkaaday xulka Mauritius
Kadib barbaro goolal la’aan ah oo labada lugood ah oo ay la galeen Mauritius, Ocean Stars ayaa markii ugu horreysay u soo baxday kadib markii ay martigeliyeyaasha kaga adkaadeen 4-2 rigoorayaal ciyaar dhacday Talaadadii.
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa rigooreyaal 4–2 ah kaga adkaaday xulka Mauritius
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa rigooreyaal 4–2 ah kaga adkaaday xulka Mauritius / Social Media

Kooxda Ocean Stars ee Soomaaliya ayaa u soo baxday heerka group-yada ee isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) 2027.

Kadib barbaro goolal la’aan ah oo labada lugood ah oo ay la galeen Mauritius, Ocean Stars ayaa markii ugu horreysay u soo baxday kadib markii ay martigeliyeyaasha kaga adkaadeen 4-2 rigoorayaal ciyaar dhacday Talaadadii.

Kooxda Soomaaliya ayaa hadda ku biirtay kooxaha kale ee ka socda aagga CECAFA oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Eritrea, Burundi iyo Itoobiya.

Tani ma aha oo kaliya guul ciyaareed, balse waa tallaabo weyn iyo iftiin u soo baxay horumarka kubadda cagta dalka. Sidoo kale waa markii ugu horreysay taariikhda ee Soomaaliya ay ka soo gudubto is arag laba lugood ka kooban.

AFCON 2027 ayaa waxaa martigelin doona Kenya, Uganda iyo Tanzania.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo Ciidda Udxiyada u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka
Taliyaha Booliiska Banaadir oo Ka Digay Isku Dayo Lagu Khalqal Gelinayo Amniga Muqdisho
Boqolaal dhalinyaro ah oo Muqdisho ku qabtay bannaanbax nabadeed oo lagu asteeyey “Codka Caasimadda”
Ciidanka Sudan oo Qabsaday Deegaan ku Dhow Xadka Itoobiya kadib Dagaallo ay la Galeen RSF
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Beijing ku Qabatay Xuska Maalinta Afrika
Siddeed iyo toban dal oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku furayso “safaarad” Qudus la haysto
Soomaaliya oo Hormuud ka Noqotay Istaraatiijiyadda La-dagaallanka Argagixisada
Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Axmed Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Mauritania
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ka Arrinsaday Dardargelinta Amniga iyo Adeegyada Dadweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo Ku Dhawaaqay inay La Wareegeen Deegaanka Khor Hassan ee Gobolka Blue Nile
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha 64-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta ee Geneva
Soomaaliya oo Xoojisay Dadaallada Lagu Sii Daynayo Badmaaxiinta laga Afduubtay Markabka Shiinaha
Maamulka Banaadir oo Muqdisho ka Daahfuray Ololaha Qalliimada Wadnaha ee 11 Carruur ah
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Danjiraha Turkiga oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga Militariga
SoDMA iyo Ciidanka Asluubta oo Xoojinaya Iskaashiga Taageerada Bani’aadantinimo ee Maxaabiista
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Saldhigga Danab ee Dhuusamareeb
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamij Tababar Xirfadeed oo loogu Talagalay Ciidanka Asluubta